Wararka24: 5-02-2026:Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku wareejisay gaadiid iyo qalab milatari oo isugu jira hub culus, kuwaas oo la gaarsiiyay cutubyo ka howlgala Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wasaaraddu waxay tilmaantay in taageeradan ay qayb ka tahay iskaashiga amni ee u dhexeeya Muqdisho iyo Washington, looguna talagalay xoojinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Bayaan kasoo baxay wasaaradda laguma faahfaahin tirada rasmiga ah ama qiimaha qalabka la wareejiyay.
“Waxaa naga go’an inaan dalka ka ciribtirno haraadiga argagixisada, howlgalladuna way sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo nabad waarta iyo xasillooni guud ahaan dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.
Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah furimaha ugu adag ee dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaab, iyadoo kooxdaasi weli ka fuliso weerarro ka dhan ah xarumaha ciidamada iyo goobo rayid.
Taageeradan hubka ah ayaa kusoo aadeysa xilli ciidamada dowladda iyo xoogagga deegaanka ay wadaan dadaallo ay ku ilalinayaan deegaannadii dhawaan laga qabsaday kooxda.
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa door ka qaata tababarro, la-talin iyo taageero dhinaca cirka ah oo la siiyo ciidamada Soomaaliya, sida ay marar hore sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac.





















