Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Mareykanka oo duqeeyay saddex markab oo shidaal oo Iran laga leeyahay..

Muqdisho – Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay Sabtidii weerareen saddex markab oo shidaal oo laga leeyahay Dalka Iran, kadib markii Ilaalada Kacaanka Iran ay gantaallo ballistic ah ku rideen laba markab oo dagaal oo uu Mareykanka lee yahay…

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
September 5, 2026, 7:27 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
markabka-dagalka-marekanka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.
CENTCOM oo soo bandigtay burburinta saddex markab oo shidaal oo ay leedahay IRGC kadib markii Iran ay bartilmaameedsatay laba markab oo dagaal oo ay lee yahiin Ciidanka Badda ee Mareykanka sida ay sheegen.

Muqdisho – Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay Sabtidii weerareen saddex markab oo shidaal oo laga leeyahay Dalka Iran, kadib markii Ilaalada Kacaanka Iran ay gantaallo ballistic ah ku rideen laba markab oo dagaal oo uu Mareykanka lee yahay kuwaas oo ku sugnaa biyaha gobolka Bariga dhexe.

Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in markabka weyn ee qaada diyaaradaha dagaalka iyo markabka gantaallada ee Mareykanka ee loo yaqaan (guided-missile destroyer) ay ka badbaadeen weerarro dhowr ah oo ay Iran kusoo qaaday..

Markabka diyaaradaha xambaara ee fasalka Nimitz ah, USS George H.W. Bush (CVN 77), ayaa ku socdaalaya Badweynta Hindiya, gudaha aagga ay mas'uulka ka tahay Taliska Dhexe ee Mareykanka (U.S. Central Command), 23-kii Abriil, 2026. (Sawirka Ciidanka Badda ee Mareykanka)
Markabka weyn ee diyaaradaha xambaara ee mareekanka, USS George H.W. Bush (CVN 77), ayaa ku socdaalaya Badweynta Hindiya, gudaha aagga ay mas’uulka ka tahay Taliska Dhexe ee Mareykanka (U.S. Central Command), 23-kii Abriil, 2026. (Sawirka Ciidanka Badda ee Mareykanka)

Sida ay sheegay CENTCOM, ciidamada Mareykanka ayaa weerarka ku qaaday saddexda markab oo shidaal, kuwaas oo midkood lagu burburiyay Gacanka Cumaan, halka labada kalena laga dhigay kuwo aan shaqeyn karin gabi ahaanba.

Mareykanka ayaa sheegay in maraakiibtan ay qayb ka ahaayeen shabakad dhaqaale oo balaayiin dollar ah, taas oo Washington ku eedeysay inay dhaqaale u soo saarto Ilaalada Kacaanka Iran iyo kooxaha ay taageerto ee gobolka.

Admiral Brad Cooper, oo ah madaxa CENTCOM, ayaa sheegay in weerarka uu ahaa jawaab ka dhalatay weerarkii ay Iran ee ay ku qaaday maraakiibta Mareykanka..

Dhanka kale, warbaahinta Iran ayaa sheegtay in afar gantaal oo Mareykan ah ay ku dhaceen mid ka mid ah maraakiibta shidaalka ee ku sugnaa meel u dhow jasiiradda Kharg, halkaas oo ah xarun muhiim u ah dhoofinta shidaalka Iran. Wararkaasi waxay intaas ku dareen in shaqaalaha markabka laga daadgureynayay, iyadoo aan la soo sheegin wax dhimasho ah.

CENTCOM ayaa sheegtay in aysan jirin askari Mareykan ah oo waxyeelo kasoo gaartay weerarka ay iraan kusoo qaaday labadeeda markab.

Xiisada u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ayaa todobaadkan sii xoogeysatay, iyadoo labada dhinac ay qaadeen weerarro is-daba joog ah, taas oo abuurtay cabsida laga qabo inay dib usoo kiciso dagaalka taas oo saameyn hor leh abuuri karto..


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

22 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

22 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.