Muqdisho – Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay Sabtidii weerareen saddex markab oo shidaal oo laga leeyahay Dalka Iran, kadib markii Ilaalada Kacaanka Iran ay gantaallo ballistic ah ku rideen laba markab oo dagaal oo uu Mareykanka lee yahay kuwaas oo ku sugnaa biyaha gobolka Bariga dhexe.
Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in markabka weyn ee qaada diyaaradaha dagaalka iyo markabka gantaallada ee Mareykanka ee loo yaqaan (guided-missile destroyer) ay ka badbaadeen weerarro dhowr ah oo ay Iran kusoo qaaday..

Sida ay sheegay CENTCOM, ciidamada Mareykanka ayaa weerarka ku qaaday saddexda markab oo shidaal, kuwaas oo midkood lagu burburiyay Gacanka Cumaan, halka labada kalena laga dhigay kuwo aan shaqeyn karin gabi ahaanba.
Mareykanka ayaa sheegay in maraakiibtan ay qayb ka ahaayeen shabakad dhaqaale oo balaayiin dollar ah, taas oo Washington ku eedeysay inay dhaqaale u soo saarto Ilaalada Kacaanka Iran iyo kooxaha ay taageerto ee gobolka.
Admiral Brad Cooper, oo ah madaxa CENTCOM, ayaa sheegay in weerarka uu ahaa jawaab ka dhalatay weerarkii ay Iran ee ay ku qaaday maraakiibta Mareykanka..
Dhanka kale, warbaahinta Iran ayaa sheegtay in afar gantaal oo Mareykan ah ay ku dhaceen mid ka mid ah maraakiibta shidaalka ee ku sugnaa meel u dhow jasiiradda Kharg, halkaas oo ah xarun muhiim u ah dhoofinta shidaalka Iran. Wararkaasi waxay intaas ku dareen in shaqaalaha markabka laga daadgureynayay, iyadoo aan la soo sheegin wax dhimasho ah.
CENTCOM ayaa sheegtay in aysan jirin askari Mareykan ah oo waxyeelo kasoo gaartay weerarka ay iraan kusoo qaaday labadeeda markab.
Xiisada u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ayaa todobaadkan sii xoogeysatay, iyadoo labada dhinac ay qaadeen weerarro is-daba joog ah, taas oo abuurtay cabsida laga qabo inay dib usoo kiciso dagaalka taas oo saameyn hor leh abuuri karto..







