• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Maraykanka oo la labanaya baasaboorrada waalidiinta lagu leeyahay lacagaha masruufka caruurtooda

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Maraykanka oo la labanaya baasaboorrada waalidiinta lagu leeyahay lacagaha masruufka caruurtooda
Share

Wararka24: Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa bilowday tallaabo cusub oo lagula laabanayo baasaboorrada waalidiinta lagu leeyahay lacagaha masruufka carruurta, iyadoo arrintan ay hoggaaminayso Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaal lagu xoojinayo fulinta waajibaadka sharci ee waalidiinta lagu xukumay inay bixiyaan lacagta lagu daryeelayo carruurtooda.

Sharci jiray tan iyo sanadkii 1996 ayaa oggolaanayay in qofka lagu leeyahay masruuf carruur laga hor istaago inuu helo ama cusboonaysiiyo baasaboorka. Si kastaba, nidaamkan cusub ayaa ka sii adag kii hore, maadaama dowladda hadda ay si toos ah u laali karto baasaboorrada shaqeynaya ee dadka deynta lagu leeyahay.

Howlgalkan cusub ayaa si rasmi ah u billowday 8 da May 2026, waxaana wejigiisa koowaad lagu beegsanayaa dadka lagu leeyahay lacag ka badan 100,000 oo dollar. Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in kumannaan qof ay wajihi karaan dibaato, iyadoo wajiyada dambe lagu dari doono dadka lagu leeyahay in ka badan 2,500 oo dollar.

Hay’adaha gobollada ee qaabilsan arrimaha masruufka carruurta ayaa aqoonsanaya dadka deynta lagu leeyahay, kadibna xogta waxay u gudbiyaan hay’adaha federaalka. Marka qofka lagu daro liiska, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa u diraysa ogeysiis rasmi ah oo lagu wargelinayo in baasaboorkiisa lagala labana ama laga mamnuucay adeegyada baasaboorka.

Qofka baasaboorka lagala labta ma isticmaali karo dukumentigaas si uu ugu safro dibadda. Dadka ku sugan dalal kale marka tallaabadu dhaqan gasho ayaa laga yaabaa in loo oggolaado oo keliya baasaboor ku meel gaar ah oo loogu soo celinayo gudaha Maraykanka.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in siyaasaddan ay ujeedadeedu tahay in waalidiinta lagu qasbo gudashada waajibaadka qoys iyo mid sharci ee ka saaran carruurtooda. Tallaabadan ayaa si gaar ah walaac uga dhalisay muwaadiniin badan oo ku nool dibadda, oo ay ku jiraan Soomaali Maraykan ah oo si joogto ah ugu safra dalalka Afrika iyo Bariga Dhexe.


Share

Recommended

ruushka iyo Mareekanka ay

Mareykanka iyo Ruushka oo Marki ugu horeysay mudo 4 sano Ah Shir Uga Furmay Dalka Sacuudiga..

2 years ago
Siyaasadeed

Urur siyaasadeed cusub oo caawa looga dhawaqayo mogadishu.

1 year ago
DF oo ku dhawaaqday in magaca “madaxweyne” loo isticmaali doonin madaxda dowlad-goboleedyada

DF oo ku dhawaaqday in magaca “madaxweyne” loo isticmaali doonin madaxda dowlad-goboleedyada

3 months ago
Wiilka Museveni oo sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Iran iyo Israa’iil

Wiilka Museveni oo sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Iran iyo Israa’iil

6 months ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

2 years ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
SSC-Khatumo

SSC-Khatumo oo Qabtay Shabakad dadka Tahriibin jirtay,+ Xogta

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.