Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Mucaaradka ugu Baaqay in ay Wada-hadallada Dib ugu Soo Laabtaan

‎"Nin carooday oo ajnabi u cararay, oo maslaxad ka doontay, waxba kama beddeli karo dalka ee gogosha soo fariista," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
November 16, 2026, 8:21 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Mucaaradka ugu Baaqay in ay Wada-hadallada Dib ugu Soo Laabtaan
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mucaaradka ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan miiska wada-hadallada, si xal looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dhinacyada mucaaradka.‎‎

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad uu dhagax-dhigay dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka iyo Isbitaalka Xoogga Dalka, kuwaas oo qayb ka ah mashaariicda dowladda federaalka ee lagu horumarinayo waxbarashada sare iyo adeegyada caafimaadka ciidamada qalabka sida.

‎‎Isagoo ka hadlayay khilaafka siyaasadeed ee dalka, ayuu dhaliil u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo ku eedeeyay inay taageero iyo dhexdhexaadin ka raadsadeen dhinacyo shisheeye, halkii ay khilaafaadka kala dhexeeya dowladda kaga xallin lahaayeen gudaha dalka.‎‎

“Nin carooday oo ajnabi u cararay, oo maslaxad ka doontay, waxba kama beddeli karo dalka ee gogosha soo fariista,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.‎‎

Wuxuu sheegay in dowladda federaalku marar kala duwan fidisay gogol wada-hadal oo loogu talagalay in dhinacyada siyaasadda ay ku xalliyaan khilaafaadka jira, isagoo caddeeyay in mowqifka dowladda ee ku aaddan wada-hadalku aanu isbeddelin.‎‎

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladda ay doonayso nabad, walaaltinimo iyo midnimo, isla markaana ay diyaar u tahay in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay qayb ku yeeshaan talada dalka.‎‎

“Annagu mar walba gogol Soomaaliyeed ayaan fidinaynay. Mowqifkeennuna waa nabad ayaan rabnaa, walaalnimo ayaan rabnaa, midnimo ayaan rabnaa. Waxaan rabnaa dowlad ay dhammaan dadka Soomaaliyeed leeyihiin, taladeedana ay wadaagaan,” ayuu yiri.‎‎

Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in wada-tashiga iyo is-weydaarsiga aragtiyaha ay yihiin hababka ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafaadka, isagoo rajo ka muujiyay in dhinacyada siyaasadeed ay mar kale isugu yimaadaan miiska wada-hadallada.‎‎

Wuxuu sidoo kale sheegay in dhinacyadu ay xor u yihiin inay miiska soo dhigaan arrimaha ay isku hayaan, hase yeeshee uu jiro qodobo uu ku tilmaamay kuwo aan laga tanaasuli karin, gaar ahaan kuwa la xiriira midnimada, amniga iyo gobannimada Soomaaliya.‎‎

Baaqan ayaa imanaya iyadoo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka uu weli taagan yahay, iyadoo dhinacyadu ay isku khilaafsan yihiin wax-ka-beddelka dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka nidaamka siyaasadeed ee dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Somaliya oo ka qeyb gashay shir culimo oo 50 dal isugu yimaadeen magaalada Istanbul

Somaliya oo ka qeyb gashay shir culimo oo 50 dal isugu yimaadeen magaalada Istanbul

4 hours ago
Villa Somalia oo benisay in Uganda ay dhex dhexadin doonto dowladda iyo mucaradka

Villa Somalia oo benisay in Uganda ay dhex dhexadin doonto dowladda iyo mucaradka

8 hours ago
sababta Fiqi loogu bedelay Sadaq Joon xilka Wasiirka Gashandhigga

sababta Fiqi loogu bedelay Sadaq Joon xilka Wasiirka Gashandhigga

9 hours ago
NATO oo ka digtay khataraha hubka nukliyeerka ee hawada sare kadib talaba uu Ruushku qaaday

NATO oo ka digtay khataraha hubka nukliyeerka ee hawada sare kadib talaba uu Ruushku qaaday

10 hours ago
Somaliya oo sheegtay inay qoraneysa ciidamo cusub

Somaliya oo sheegtay inay qoraneysa ciidamo cusub

1 day ago
FBI Mareykanka oo la sheegay inay la kulmeen weerar internet

FBI Mareykanka oo la sheegay inay la kulmeen weerar internet

1 day ago
Mid ka mid ah wasiradii uu magacabay Liiban Shuluq oo iska casilay xilka

Mid ka mid ah wasiradii uu magacabay Liiban Shuluq oo iska casilay xilka

1 day ago
Xasan Sheekh oo la sheegay inuu ubaxay Uganda xilli wadahadalladii mucaradka fashilmeen

Xasan Sheekh oo la sheegay inuu ubaxay Uganda xilli wadahadalladii mucaradka fashilmeen

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.