Wararka24: Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Isniintii magaalada New York kulan kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio, iyadoo labada mas’uul ay ka wada hadleen xiriirka Kenya iyo Mareykanka, ganacsiga, tiknoolajiyada iyo arrimaha amniga gobolka.
Kulanka ayaa ka dhacay dhinaca kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyadoo Ruto uu sheegay in labada dhinac ay diiradda saareen iskaashiga dhaqaale iyo amni ee u dhexeeya Nairobi iyo Washington.
Ruto ayaa soo dhaweeyay kordhinta heerka Kobaca iyo Fursadaha Afrika ee AGOA, isagoo sheegay in sii wadistiisu ay xoojin karto ganacsiga u dhexeeya Afrika iyo Mareykanka, isla markaana ay ballaarin karto fursadaha dhaqaale ee dalalka qaaradda.
Ruto oo Rubio kala hadlay ganacsiga iyo sirdoonka macmalka ah (AI)
Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay iskaashiga dhinaca sirdoonka macmalka ah (AI), gaar ahaan adeegsiga tiknoolajiyadaas ee caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada maaliyadeed. Ruto wuxuu sheegay in labada dal ay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan sida loo maamuli karo AI-ga si mas’uuliyad leh, iyadoo tiknoolajiyadu si degdeg ah u horumarayso.
Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu eegay fursadaha iskaashi ee macdanta muhiimka ah iyo tamarta nukliyeerka. Mareykanka ayaa daneynaya in iskaashiga macdanta Kenya lagu daro horumarinta iyo qiime-ku-kordhinta gudaha dalka.
Xaaladda Soomaaliya iyo sii wadista hawlgalka amniga ee Kenya ay qeybta ka tahay
Dhanka amniga, Ruto iyo Rubio waxay ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya iyo sii wadista hawlgalka amniga ee Kenya ay qeybta ka tahay. Kenya ayaa muddo dheer door ku lahayd dadaallada amni ee Soomaaliya iyo la-dagaallanka kooxaha hubeysan.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda Haiti iyo dadaallada lagu taageerayo xasilloonida dalkaas. Sudan ayaa iyaduna kamid ahayd ajandaha kulanka, iyadoo Ruto uu sheegay in diiradda la saaray xaaladda bani’aadamnimada iyo dadaallada lagu gaarayo xabbad-joojin iyo heshiis siyaasadeed.
Kulanka Ruto iyo Rubio ayaa qeyb ka ahaa kulamo badan oo madaxweynaha Kenya uu New York ka wado inta lagu jiro Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo diiradda saaraya ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyada, tamarta iyo arrimaha amniga gobolka.










