Wararka24: Madaxa shirkadda Anthropic, Dario Amodei, ayaa ku baaqay in la yareeyo xawaaraha horumarinta moodellada sirdoonka macmalka ah ee AI-ga, iyadoo si dhow loo kormeero awoodaha iyo khataraha ka dhalan kara tiknoolajiyadda sii kordheysa.

Amodei ayaa qoraal uu internetka ku daabacay ku sheegay in horumarka AI uu yahay mid aan laga laaban karin, balse khataraha la xiriira ay yihiin kuwo culus, sidaas darteedna shirkadaha iyo dowladuhu ay u baahan yihiin waqti ay ugu diyaar garoobaan caqabadaha soo bixi kara.
Qoraalkiisa oo cinwaankiisu yahay “We Must Pace the Frontier”, ayuu ku soo jeediyay qorshe saddex qodob ka kooban. Waxaa ka mid ah in moodellada AI ay maraan kormeer madax-bannaan inta lagu guda jiro horumarintooda iyo in la dejiyo xeerar lagu maamulayo warshadda AI, kuwaas oo ka shaqeyn kara heer qaran iyo mid caalami ah.
Soo-jeedinta Amodei ayaa taageero ka heshay qaar ka mid ah madaxda shirkadaha waaweyn ee AI-ga. Madaxa OpenAI, Sam Altman, ayaa sheegay inuu ku raacsan yahay baahida loo qabo in la xakameeyo xawaaraha horumarka, isagoo sidoo kale taageeray fikradda ah in qiimeeyayaal madax-bannaan ay kormeeraan badbaadada moodellada.
Elon Musk oo ah milkiilaha xAI aya taageeray Soo-jeedinta Amodei
Elon Musk, oo ah aasaasaha shirkadda xAI, ayaa isna sheegay in Amodei uu saxan yahay. Dooddan ayaa kusoo beegmaysa xilli walaaca laga qabo awoodaha sii kordhaya ee AI iyo suurtagalnimada in tiknoolajiyaddu ka gudubto xakamaynta bini’aadamka uu sii xoogeysanayo.
Jacob Coxon, oo hore uga soo shaqeeyay Anthropic, ayaa BBC-da u sheegay in qaar ka mid ah dadka ka shaqeeya shirkadaha AI ay si dhab ah uga walaacsan yihiin saameynta horumarka degdegga ah. Wuxuu sheegay in dadka ku lugta leh dhismaha tiknoolajiyaddan ay ka doodaan xitaa suurtagalnimada khatar weyn oo soo gaarta aadanaha.
Amodei wuxuu sheegay in ujeeddadu aysan ahayn in la joojiyo tababarka moodellada ama horumarka farsamada, balse ay tahay in shirkaduhu helaan waqti ku filan oo ay ku qiimeeyaan, ku waafajiyaan, kuna xoojiyaan amniga nidaamyadooda.
Tartanka Mareykanka iyo Shiinaha ee dhinaca AI-ga
Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dowladda Mareykanka inay ka shaqeyso in tiknoolajiyadda ugu horumarsan aan loo gudbin dalal uu ku tilmaamay kuwo kalitalis ah, gaar ahaan Shiinaha. Amodei wuxuu sheegay in haddii hoos loo dhigo xawaaraha horumarka muddo hal ama laba sano ah, waqtigaas loo adeegsan karo in lagu dhiso nidaamyo amni iyo kormeer oo yareeya khataraha.
Doodda ayaa sidoo kale taabanaysa tartanka Mareykanka iyo Shiinaha ee dhinaca AI-ga. Amodei ayaa ku adkeystay in tallaabo kasta oo lagu yareynayo xawaaraha horumarka ay u baahan tahay isku-dubarid, si aan loo wiiqin tartanka ganacsi iyo hoggaanka Mareykanka ee tiknoolajiyadda.







