Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Maamullada degmooyinka Gobolka iyo hay’adaha amniga oo la geliyay heegan amni

Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgalada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho, kadib kulamo amni oo dhawaan ka dhacay caasimadda. Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid looga hortagayo falal amni darro iyo isku dayo lagu…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 18, 2026, 12:15 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Maamullada degmooyinka Gobolka iyo hay’adaha amniga oo la geliyay heegan amni
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgalada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho, kadib kulamo amni oo dhawaan ka dhacay caasimadda. Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid looga hortagayo falal amni darro iyo isku dayo lagu qalqal gelinayo xasilloonida magaalada.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa xalay kormeer ku tagay degmooyinka Yaaqshiid iyo Warta Nabadda, halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiinta degmooyinka iyo saraakiisha hay’adaha ammaanka. Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga iyo sidii loo kordhin lahaa feejignaanta ciidamada.

Yabooh ayaa sheegay in kulamadii amniga ee dhowaan dhacay lagu go’aamiyay in maamullada degmooyinka iyo ciidamada ammaanka la geliyo heegan buuxa, si habeen iyo maalin looga shaqeeyo sugidda amniga shacabka Muqdisho. Wuxuu tilmaamay in qorshahan uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo nabadda iyo kala dambeynta caasimadda.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in shacabka ay door muhiim ah ku leeyihiin ilaalinta amniga, isaga oo bogaadiyay wada shaqeynta ay muujiyeen dadka ku nool degmooyinka uu kormeerka ku tagay. Waxa uu xusay in bulshada ay muujiyeen kalsooni la xiriirta horumarka dhinaca amniga ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kordhisay howlgalada ammaanka, iyadoo laamaha ammaanka ay xoojiyeen dhaq dhaqaaqyada lagu xaqiijinayo xasiloonida magaalada. Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in qorshayaasha cusub ay qeyb ka yihiin dadaallada looga hortagayo khataraha amni ee ka imaan kara kooxaha hubeysan iyo falalka lagu carqaladeynayo nabadda caasimadda.

Howlgaladan iyo heeganka cusub ayaa kusoo aadaya xilli Muqdisho ay martigelineyso kulamo siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo muhiim u ah xaaladda dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

5 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

6 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

6 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

6 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

6 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

7 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.