Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Liiska xildhibaannada cusub ee Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa saq dhexe xalay shaaciyay liiska xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka saddexaad ee maamulkaasi.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
March 28, 2026, 12:14 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Liiska xildhibaannada cusub ee Koonfur Galbeed oo la shaaciyay
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa saq dhexe xalay shaaciyay liiska xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka saddexaad ee maamulkaasi.

Guddiga ayaa sheegay in 95 mudane oo cusub ay soo xuleen odayaasha dhaqanka, isla markaana ay buuxiyeen shuruudaha dastuuriga ee looga baahan yahay xubinnimada Baarlamaanka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu faahfaahiyay magacyada xildhibaannada iyo beelaha ay ka soo jeedaan ee ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.

Xildhibaannadan cusub ayaa la filayaa in maanta la dhaariyo, kadibna ay yeeshaan kulankooda ugu horreeya oo ay ku dooranayaan guddoon kumeel gaar ah oo hoggaamiya ilaa laga soo doorto guddoonka rasmiga ah.

Guddiga doorashooyinka ayaa sidoo kale qorsheeyay in 29ka Maarso la qabto araajida musharraxiinta guddoonka Baarlamaanka, taas oo ay ku xigi doonto doorashada guddoonka iyo tan madaxweynaha.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa dhawaan magacaabay guddigan oo ka kooban sagaal xubnood, waxaana guddoomiye looga dhigay Shuceyb Nuur Xuseen.

Arrintan ayaa imanaysa xilli uu jiro muran siyaasadeed oo u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo mucaaradka, kaas oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka.

Xiisadda ayaa weli taagan, iyadoo laga cabsi qabo inay isku beddesho iska horimaadyo horleh.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.