• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Liiska xildhibaannada cusub ee Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
Liiska xildhibaannada cusub ee Koonfur Galbeed oo la shaaciyay
Share

Wararka24: Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa saq dhexe xalay shaaciyay liiska xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka saddexaad ee maamulkaasi.

Guddiga ayaa sheegay in 95 mudane oo cusub ay soo xuleen odayaasha dhaqanka, isla markaana ay buuxiyeen shuruudaha dastuuriga ee looga baahan yahay xubinnimada Baarlamaanka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu faahfaahiyay magacyada xildhibaannada iyo beelaha ay ka soo jeedaan ee ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.

Xildhibaannadan cusub ayaa la filayaa in maanta la dhaariyo, kadibna ay yeeshaan kulankooda ugu horreeya oo ay ku dooranayaan guddoon kumeel gaar ah oo hoggaamiya ilaa laga soo doorto guddoonka rasmiga ah.

Guddiga doorashooyinka ayaa sidoo kale qorsheeyay in 29ka Maarso la qabto araajida musharraxiinta guddoonka Baarlamaanka, taas oo ay ku xigi doonto doorashada guddoonka iyo tan madaxweynaha.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa dhawaan magacaabay guddigan oo ka kooban sagaal xubnood, waxaana guddoomiye looga dhigay Shuceyb Nuur Xuseen.

Arrintan ayaa imanaysa xilli uu jiro muran siyaasadeed oo u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo mucaaradka, kaas oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka.

Xiisadda ayaa weli taagan, iyadoo laga cabsi qabo inay isku beddesho iska horimaadyo horleh.


Share

Recommended

Dowladda Federaalka

Wararka24: Dowladda Federaalka oo baaritaan ku billowday weerarkii Hotel Qaahira ee Beledweyne Kadib Shaki dhashay + Sawiro

1 year ago
Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

4 months ago
Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

5 months ago
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

2 months ago
Soomaaliya iyo Somaliland

Wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland oo dib ufurmay! Maxa cusub?

1 year ago
Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

5 months ago
Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.