ANKARA — Kooxda Kurdiyiin (Kurdistan Workers’ Party) (PKK) ayaa maanta ku dhawaaqday joojinta dagaalka ay 40 sano kula jireen Turkiga, taasoo noqoni karta mid horseeda dhamaadka colaadda ugu dheereyd ee Bariga Dhexe.
PKK ayaa sheegtay inay iska dhigayaan hubka ka dib markii hogaamiyahooda xabsiga kujira Abdullah Ocalan uu ugu yeedhay inay hubka dhigaan. “Waxaan ayna ku dhawaaqeen joojinta dagaal wakhti dheer socday” ayaa lagu yidhi bayaan kaso baxay guddiga fulinta PKK.
Dagaalkan ayaa socday tan iyo 1984-kii. Waxaa ku dhintay in ka badan 40,000 oo qof mudadaas. PKK waxay bilaabay si ay u dhisto dal madax bannaan oo Kurdi ah, laakiin dhawaan waxay codsatay xuquuq dhaqameed iyo siyaasadeed oo dheeraad ah.