Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Kooxo tuugo ah oo Muqdisho ku adeegsaday magaca NISA si ay u dhacaan shacabka

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo kordhay qaab cusub oo ay adeegsanayaan kooxo tuugo ah oo lagu eedeeyay inay iska dhigaan xubno ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), si ay u dhacaan shacabka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 9, 2026, 12:16 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Kooxo tuugo ah oo Muqdisho ku adeegsaday magaca NISA si ay u dhacaan shacabka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo kordhay qaab cusub oo ay adeegsanayaan kooxo tuugo ah oo lagu eedeeyay inay iska dhigaan xubno ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), si ay u dhacaan shacabka.

Sida ay sheegeen laamaha amniga iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaa muddooyinkii u dambeeyay kordhay cabashooyinka la xiriira dad lagu dhacay magaca hay’adaha amniga, gaar ahaan NISA. Kooxahan ayaa la sheegay inay adeegsadaan xeelado cusub oo ka duwan hababkii hore ee dhaca.

Wararka ayaa tilmaamaya in kooxahan ay bartilmaameedsadaan dadka wata taleefannada casriga ah ama loo arko inay lacag haystaan. Waxay isku sheegaan saraakiil amni, iyagoo ku andacoonaya inay wadaan baaritaanno la xiriira amniga ama tuhuno argagixiso.

Dhibbanayaasha ayaa la farayaa inay wareejiyaan taleefannadooda iyo furaha sirta ah, iyadoo loogu sheegayo in la baarayo xogta ku jirta. Sidaas ayay kooxahaasi ku helaan fursad ay uga xadaan lacagaha ku jira adeegyada elektaroonigga ah ama ay uga qaataan agab kale oo ay wataan.

Laamaha amniga ayaa sheegay in kooxahaasi inta badan aysan xirneyn darees rasmi ah, balse ay ku labistaan dhar shacab oo u eg kuwa ay xirtaan qaar ka mid ah ciidamada amniga, taas oo shacabka ku abuureysa kalsooni ama cabsi ay ku hoggaansamaan amarrada loo jeedinayo.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa ugu baaqay shacabka inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan, ayna hubiyaan aqoonsiga qof kasta oo sheeganaya inuu ka tirsan yahay hay’adaha amniga. Waxay sidoo kale ku booriyeen muwaadiniinta inaysan taleefannadooda ama xogtooda gaarka ah ku wareejin cid aan si rasmi ah loo aqoonsan.

Laamaha amniga ayaa xusay in baaritaan kasta oo sharci ah lagu sameeyo goobaha rasmiga ah ee amniga ama baraha koontaroolka ee la yaqaan. Waxay shacabka ugu baaqeen in qofkii la kulma dhacdo noocan oo kale ah uu si degdeg ah ugu wargeliyo saldhigga booliska ee ugu dhow ama laamaha amniga, si tallaabo sharci ah looga qaado kooxaha ku howlan falalkan.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

4 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

5 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

5 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

5 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

5 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

6 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.