Wararka24: Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka ee Itoobiya ayaa sheegtay inay xirtay 138 qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxo argagixiso, oo ay ku jiraan Al-Shabaab iyo Daacish. Bayaan rasmi ah ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay ay ku lug lahaayeen falal amni darro oo la qorsheeyay kahor doorashooyinka dalka sida ay so bandigtay Ethiopian Press Agency (EPA)

Hay’addu waxay sheegtay in howlgalka lagu soo qabtay eedeysanayaashan uu socday muddo, iyadoo lagu fuliyay meelo kala duwan oo dalka ah. Waxaa la tilmaamay in dadka la xiray ay wadeen abaabul, taageero iyo isku dubbarid falal lagu carqaladeynayo nabadda iyo xasilloonida.
Warbixinta ayaa xustay in qorshayaasha lagu eedeeyay ay ka mid ahaayeen kicinta rabshado iyo weerarro ka dhaca magaalooyin waaweyn sida Addis Ababa. Waxaa sidoo kale lagu sheegay inay sameeyeen shabakado qarsoodi ah oo isku xira xubno kala duwan.
Mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay in howlgalka lagu qabtay agabyo ay ka mid yihiin hub, rasaas, qalab isgaarsiineed iyo lacag. Waxaa sidoo kale la sheegay in qaar ka mid ah eedeysanayaasha ay ku lug lahaayeen tahriibinta hubka iyo dadka.
Xogta hay’addu soo bandhigtay ayaa muujisay in qaar ka mid ah dadka la xiray ay tababar ku qaateen gudaha Somalia, isla markaana ay xiriir la sameeyeen kooxo hubeysan. Waxaa lagu eedeeyay inay ka shaqeynayeen qorista xubno cusub iyo fududeynta falalka argagixiso.
Hay’adda Sirdoonka ayaa sheegtay in dhammaan dadka la qabtay loo gudbiyay hay’adaha sharciga, iyadoo la adkeeyay ilaalinta ammaanka doorashooyinka soo socda. Howlgalkan ayaa la sheegay inuu ahaa mid ay iska kaashadeen ciidamada federaalka iyo kuwa heer gobol.
Ugu dambeyn, dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu burburinayo shabakadaha argagixisada. Waxay shacabka ugu baaqday inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida dalka.
















