• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo maanta lagu aasay Muqdisho

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo maanta lagu aasay Muqdisho
Share

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeyb-galay salaadda janaasada Allaha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo lagu aasay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, duubabka dhaqanka iyo culumaa’udiin Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in marxuumka uu door muuqda ku lahaa dadaallada nabadeynta, dib-u-heshiisiinta iyo mideynta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo xusay in uu kaalin weyn ka qaatay xoojinta dowladnimada iyo dhismaha nabadda dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dhaxalka wanaagsan ee uu ka tagay Imaam Maxamed Yuusuf Cali uu sii ahaan doono mid ay bulshada Soomaaliyeed ku xusuusan doonto, gaar ahaan kaalintii uu ku lahaa isu soo dhawaanshaha bulshada iyo xalinta khilaafaadka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi iyo tiiraanyo u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka, isaga oo Alle uga baryay inuu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, islamarkaana uu siiyo samir iyo iimaan dhammaan dadka uu ka geeriyooday.

Allaha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali, oo ahaa Imaamka beesha Mudulood kana mid ahaa hoggaamiyeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ugu caansan, ayaa maalmo ka hor ku geeriyooday dalka Hindiya, halkaas oo muddooyinkii dambe lagu dabiibayay xaaladdiisa caafimaad.

Marxuumka ayaa muddo dheer ka shaqeynayay nabadeynta bulshada, xoojinta wadajirka iyo mideynta shacabka Soomaaliyeed, waxaana si weyn loogu xusuusan doonaa doorkii uu ka qaatay arrimaha dhaqanka, xalinta khilaafaadka iyo dadaalladii lagu taageerayay nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada Soomaaliyeed.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.