Wararka24: Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga horyimid magacaabista hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed, iyagoo ku baaqay in la qabto doorasho loo dhan yahay oo ku saleysan dastuurka.
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa horey digreeto ugu magacaabay Jibriil Cabdirashiid Xaaji inuu noqdo hoggaamiyaha KMG ah, kadib isbeddelladii ka dhacay Baydhabo.
Golaha Mustaqbalka ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid jebinaysa Dastuurka Federaalka iyo kan Koonfur Galbeed, isla markaana dhaawaceysa nidaamka federaalka ee dalka.
“Dastuurka Koonfur Galbeed wuxuu dhigaya in 30 maalmood gudahood lagu qabto doorasho haddii xilku bannaanaado,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka golaha.
Golaha ayaa sidoo kale sheegay in habka digreetooyinka lagu maamulayo dowlad-goboleedyada uu ka hor imaanayo mabda’a awood-qaybsiga iyo nidaamka federaalka.
Waxay ku baaqeen in muddo 30 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho ay ku heshiiyaan dhammaan saamileyda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.
Golaha Mustaqbalka ayaa ka digay in tallaabooyinkan ay dib u celin karaan nidaamka dowladnimada, ayna horseedi karaan khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysan kara.


















