• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Golaha Deegaanka Hargeysa oo doortay maayir cusub

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Golaha Deegaanka Hargeysa oo doortay maayir cusub
Share

Wararka24: Golaha Deegaanka magaalada Hargeysa ayaa maanta doortay maayir iyo maayar ku xigeen cusub, kadib kalfadhi aan caadi ahayn oo ka qabsoomay xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Xubnaha Golaha Deegaanka ayaa u doortay Cabdirisaaq Maxamed Faarax Wiiwaa inuu noqdo maayirka cusub ee caasimadda, halka  Aadan Jaamac Xaddi Mideeye  loo doortay jagada maayar ku-xigeenka magaalada.

Maayirka cusub Cabdirisaaq Maxamed Faarax Wiiwaa ayaa hadal uu jeediyay kadib doorashadiisa ku sheegay in kalfadhigu u dhacay si nabad ah oo hufan. Wuxuu ballanqaaday inuu dardargelin doono adeegyada iyo shaqooyinka muhiimka ah ee caasimadda Hargeysa.

Wiiwaa ayaa sidoo kale xubnaha Golaha Deegaanka ka codsaday inay la shaqeeyaan si loo horumariyo magaalada. Waxa uu sheegay in maamulka cusub uu xoogga saari doono tayeynta adeegyada bulshada iyo horumarinta caasimadda.

Doorashadan ayaa timid kadib markii isla maanta xilka laga qaaday maayirkii hore ee Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, iyo ku-xigeenkiisii Khadar Axmed Cumar.

Mooshinka xil ka qaadista ayaa lagu sababeeyay eedo la xiriira gudasho la’aan waajibaad shaqo iyo arrimo kale oo dhinaca maamulka ah, sida ay sheegeen xubno kamid ah Golaha Deegaanka. Kulanka lagu ansixiyay mooshinka ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex.

Warbaahinta dowladda Somaliland ayaa sheegtay in inta badan xubnaha Golaha Deegaanka ay kasoo qeyb-galeen kulanka, iyadoo goobta ay sidoo kale joogeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Doorashadan cusub ayaa kusoo aadeysa xilli ay jiraan dooddo siyaasadeed iyo isbeddello dhinaca maamulka ah oo ka socda gudaha Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa.


Share

Recommended

ruushka iyo Mareekanka ay

Mareykanka iyo Ruushka oo Marki ugu horeysay mudo 4 sano Ah Shir Uga Furmay Dalka Sacuudiga..

2 years ago
Siyaasadeed

Urur siyaasadeed cusub oo caawa looga dhawaqayo mogadishu.

1 year ago
DF oo ku dhawaaqday in magaca “madaxweyne” loo isticmaali doonin madaxda dowlad-goboleedyada

DF oo ku dhawaaqday in magaca “madaxweyne” loo isticmaali doonin madaxda dowlad-goboleedyada

3 months ago
Wiilka Museveni oo sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Iran iyo Israa’iil

Wiilka Museveni oo sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Iran iyo Israa’iil

6 months ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

2 years ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
SSC-Khatumo

SSC-Khatumo oo Qabtay Shabakad dadka Tahriibin jirtay,+ Xogta

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.