• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, January 23, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Gaalkacyo oo Markale Wajahaysa Xiisad Dagaal oo u Dhaxeysa Ciidamada Puntland iyo Kuwo general asad

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
8 months ago
Reading Time: 2 mins read
Magaalada Gaalkacyo
Share

Magaalada Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa wajahaysa xaalad cakiran oo dhinaca amniga ah kadib markii uu halkaas ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kooxo hubeysan oo la sheegay inay taabacsan yihiin Maxamuud Cismaan Diyaano, taliyihii hore ee ciidamada PSF.

Dagaalka ayaa ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan nawaaxiga warshaddii hore ee Kabista. Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada Puntland ay weerar qorsheysan ku qaadeen fariisimo ay halkaas ku lahaayeen maleeshiyaad hubeysan. Intii uu dagaalka socday, waxaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay taliyihii ilaalada madaxtooyada Puntland, Gashaanle Sare Cismaan Cumar Maxamed, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Xiisaddan ayaa salka ku heysa muran ka dhashay xil ka qaadistii uu Madaxweyne Saciid Deni ku sameeyay Maxamuud Diyaano sanadkii 2022, markaas oo laga wareejiyay hogaanka PSF laguna bedelay xil cusub. Diyaano ayaa xilkaas diiday, taas oo sababtay in uu sameysto kooxo taabacsan oo hubeysan, kuwaasoo maamulka Puntland ku eedeeyay inay fowdo ka wadaan magaalada.

Warar ka ag dhow maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen warshadda Kabista oo lagu tuhunsanaa inay tahay xarun lagu farsameeyo maandooriye, ayna halkaas saldhig ku lahaayeen maleeshiyaad taabacsan Diyaano.

Xaaladda magaalada ayaa haatan degan, balse weli waxaa jirta cabsi laga qabo in dagaalku uu dib u qarxo. Ciidamada ammaanka Puntland ayaa la sheegay inay kordhiyeen heegan iyo roondada magaalada, si looga hortago falal kale oo amni darro ah.

Dadka deegaanka ayaa muujinaya walaac xoogan, waxayna ugu baaqeen dhinacyada isku haya magaalada in khilaafka lagu xalliyo si nabad ah oo laga fogaado waxyeello hor leh oo gaarta shacabka.

Magaalada Gaalkacyo ayaa horey u soo martay xiisado amni darro oo la xiriiray dagaallo u dhaxeeyay maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana hadda la rumeysan yahay in dagaalka cusub uu yahay mid khatar weyn ku ah dadaallada lagu sugayo xasilloonida gobolka.


Share
Tags: ciidamada PSFciidamada Puntlandgobolka MudugMagaalada Gaalkacyo
Previous Post

Anigoo yar ayaa aabahay waxa dilay nin abti u ahaa, Taariikhda Aabe Dhalay Carruur 14.

Next Post

Dowladda Mareykanka oo Ka Doodaysa Go’aanno Muhiim ah oo Ku Saabsan Soomaaliya

Yasmin Jamal

Yasmin Jamal

Yasmiin waa qoraa si joogto ah Wararka24 uga qora wararka deg-dega ah ee marka tagan guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyo caalamka.

Related Posts

Madaxweyne Deni

Madaxweyne Deni oo Shaqada Ka Joojiyay Guddoomiyihii Maxkamadda Ciidamada Puntland

by Yasmin Jamal
May 19, 2025

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmi ah shaqada uga joojiyay Guddoomiyihii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo...

Load More
Next Post
Dowladda Mareykanka

Dowladda Mareykanka oo Ka Doodaysa Go'aanno Muhiim ah oo Ku Saabsan Soomaaliya

Macawiisleyda

Ciidamo Macawiisley ah oo Si Khaldan Loogu Duqeeyay Shabeellaha Dhexe

Madaxweyne Deni

Madaxweyne Deni oo Shaqada Ka Joojiyay Guddoomiyihii Maxkamadda Ciidamada Puntland

Recommended

Japan oo kacabaneyso tirada dadka duqowda ah ee dalka kunool..

Japan oo kacabaneyso tirada dadka duqowda ah ee dalka kunool..

4 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

12 months ago
Eswatini oo 32 askari u soo dirtay howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, Waa wadanka ugu HIV-ga badan aduunka?

Eswatini oo 32 askari u soo dirtay howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, Waa wadanka ugu HIV-ga badan aduunka?

4 months ago
Xildhibaan Cabdiraxmaan

Xildhibaan Cabdiraxmaan: “Heshiiska Shidaalka Soomaaliya-Turki Waa Sharci-Darro!”

9 months ago
Puntland

Puntland oo Dagaal Cir iyo Dhul ah ku Qaadday Kooxda Daac1sh.

8 months ago
ruushka iyo Mareekanka ay

Mareykanka iyo Ruushka oo Marki ugu horeysay mudo 4 sano Ah Shir Uga Furmay Dalka Sacuudiga..

11 months ago
Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..

Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.