Wararka24: Qaraxyo ka dhacay foolkaanaha Anak Krakatau ayaa sababay in la hakiyo 209 duulimaad oo ka howlgalayay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Soekarno-Hatta ee magaalada Jakarta, iyadoo in ka badan 22,000 oo rakaab ah a ay dib u dhac ku yimid safarkooda.
Mas’uuliyiinta Indonesia ayaa sheegay in dambas foolkaaneed laga helay hawada sare ee ku dhow garoonka subaxnimadii Axadda, taasoo keentay in la joojiyo ama dib loo dhigo duulimaadyo badan. Hakadka ayaa si gaar ah u saameeyay duulimaadyada u kala goosha Jakarta iyo Singapore, iyo sidoo kale qaar ka mid ah duulimaadyada caalamiga ah ee taga Doha, Sydney iyo Kuala Lumpur.

Foolkaanaha ayaa sababay dhaqdhaqaaq xooggan habeenkii Jimcaha, waxaana la soo sheegay dhulgariirro joogto ah, iyadoo ilooyin biyo ah iyo dhawaaqyo xooggan oo laga maqlayay deegaanada ku dhow. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in laba qarax oo kale ay dhaceen aroornimadii Axadda, taasoo sii kordhisay baxada dambaska hawada.
Wasaaradda Gaadiidka Indonesia ayaa sheegtay in hakadka duulimaadyada la kordhiyay ilaa 1:30 PM. Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale xaqiijiyeen in aysan jirin digniin tsunami oo la xiriirta dhaqdhaqaaqa foolkaanaha, oo ku yaalla marinka Sunda Strait ee u dhexeeya jasiiradaha Java iyo Sumatra.
Wasiirka Caafimaadka Indonesia ayaa dadka ku nool meelaha uu dambasku gaaray ugu baaqay inay guryahooda joogaan, isla markaana xirtaan maaskaro si looga ilaaliyo dhibaatooyinka ka dhalan kara neefsashada dambaska iyo waxyeellada indhaha iyo maqaarka.
Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in dhowr iskuul ay joojiyeen howlahooda, kaddib markii arday iyo dad deegaanka ah ay soo sheegeen cuncun iyo xanuun indhaha ah. Kalluumeysatada qaar ayaa sidoo kale hakiyay safarradii badda, iyagoo ka cabanaya saameynta dambaska foolkaanaha.
Burta Anak Krakatau, ayaa si aan joogto ahayn u qarxada tan iyo bilowgii qarnigii 20-aad, kaddib burburkii foolkaanihii Krakatoa ee qarxay sanadkii 1883.
Bishii Diseembar 2018, qayb ka mid ah Anak Krakatau ayaa burburtay, taasoo dhalisay tsunami ku dhuftay xeebaha Java iyo Sumatra. Musiibadaasi waxay dishay in ka badan 400 qof, halka kumannaan kalena ay ku dhaawacmeen ama ku barakaceen.
Indonesia aya ku taallaa dulka loo yaqaan “Pacific Ring of Fire”, oo ah dhul ay ku badan yihiin dhaqdhaqaaqyada foolkaanaha iyo dhulgariirrada, sababo la xiriira dhaqdhaqaaqa taarikada dhulka ee ku wareegsan Badweynta Baasifigga.








