Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Foolkaana ka qarxay Indonesia oo hakiyay boqolaal duulimaad

Qaraxyo ka dhacay foolkaanaha Anak Krakatau ayaa sababay in la hakiyo 209 duulimaad oo ka howlgalayay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Soekarno-Hatta ee magaalada Jakarta, iyadoo in ka badan 22,000 oo rakaab ah a ay dib u dhac…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 6, 2026, 11:52 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Foolkaana ka qarxay Indonesia oo hakiyay boqolaal duulimaad
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Qaraxyo ka dhacay foolkaanaha Anak Krakatau ayaa sababay in la hakiyo 209 duulimaad oo ka howlgalayay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Soekarno-Hatta ee magaalada Jakarta, iyadoo in ka badan 22,000 oo rakaab ah a ay dib u dhac ku yimid safarkooda.

Mas’uuliyiinta Indonesia ayaa sheegay in dambas foolkaaneed laga helay hawada sare ee ku dhow garoonka subaxnimadii Axadda, taasoo keentay in la joojiyo ama dib loo dhigo duulimaadyo badan. Hakadka ayaa si gaar ah u saameeyay duulimaadyada u kala goosha Jakarta iyo Singapore, iyo sidoo kale qaar ka mid ah duulimaadyada caalamiga ah ee taga Doha, Sydney iyo Kuala Lumpur.

Foolkaanaha ayaa sababay dhaqdhaqaaq xooggan habeenkii Jimcaha, waxaana la soo sheegay dhulgariirro joogto ah, iyadoo ilooyin biyo ah iyo dhawaaqyo xooggan oo laga maqlayay deegaanada ku dhow. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in laba qarax oo kale ay dhaceen aroornimadii Axadda, taasoo sii kordhisay baxada dambaska hawada.

Wasaaradda Gaadiidka Indonesia ayaa sheegtay in hakadka duulimaadyada la kordhiyay ilaa 1:30 PM. Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale xaqiijiyeen in aysan jirin digniin tsunami oo la xiriirta dhaqdhaqaaqa foolkaanaha, oo ku yaalla marinka Sunda Strait ee u dhexeeya jasiiradaha Java iyo Sumatra.

Wasiirka Caafimaadka Indonesia ayaa dadka ku nool meelaha uu dambasku gaaray ugu baaqay inay guryahooda joogaan, isla markaana xirtaan maaskaro si looga ilaaliyo dhibaatooyinka ka dhalan kara neefsashada dambaska iyo waxyeellada indhaha iyo maqaarka.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in dhowr iskuul ay joojiyeen howlahooda, kaddib markii arday iyo dad deegaanka ah ay soo sheegeen cuncun iyo xanuun indhaha ah. Kalluumeysatada qaar ayaa sidoo kale hakiyay safarradii badda, iyagoo ka cabanaya saameynta dambaska foolkaanaha.

Burta Anak Krakatau, ayaa si aan joogto ahayn u qarxada tan iyo bilowgii qarnigii 20-aad, kaddib burburkii foolkaanihii Krakatoa ee qarxay sanadkii 1883.

Bishii Diseembar 2018, qayb ka mid ah Anak Krakatau ayaa burburtay, taasoo dhalisay tsunami ku dhuftay xeebaha Java iyo Sumatra. Musiibadaasi waxay dishay in ka badan 400 qof, halka kumannaan kalena ay ku dhaawacmeen ama ku barakaceen.

Indonesia aya ku taallaa dulka loo yaqaan “Pacific Ring of Fire”, oo ah dhul ay ku badan yihiin dhaqdhaqaaqyada foolkaanaha iyo dhulgariirrada, sababo la xiriira dhaqdhaqaaqa taarikada dhulka ee ku wareegsan Badweynta Baasifigga.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

23 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

24 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.