• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Faroole oo sheegay inay dowlad sharci ah ka jirin Muqdisho

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Faroole oo sheegay inay dowlad sharci ah ka jirin Muqdisho
Share

Wararka24: Madaxweynihii hore ee Puntland, ahna xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa dhaliilo culus u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay ka leexatay hannaankii dastuuriga ahaa.

Faroole ayaa sheegay in aanay jirin dowlad sharci ah oo ka jirta Muqdisho, isagoo ku eedeeyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay ku tumatay dastuurka isla markaana ay wiiqday nidaamka federaalka ee dalka.

“Dowlad sharci ah kama jirto Xamar, maamulladii kalena waa la juujuubay. Puntland ayaa ah meesha keliya ee ka nabad qabta dalka,” ayuu yiri Faroole.

Faroole ayaa sidoo kale ku baaqay in shacabka Puntland ay garab istaagaan maamulkooda, si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida deegaanka. Wuxuu sheegay in nabadda Puntland ay muhiim u tahay shacabka, isla markaana loo baahan yahay in laga hortago wax kasta oo carqaladeyn kara.

“Waxaan u sheegaynaa shacabka reer Puntland in nabadda la ilaaliyo, cid kasta oo isku dayda inay qalalaase abuurtona laga feejignaado,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa hadalladan ka jeediyay kulan ay yeesheen waxgaradka gobolka Nugaal, kaas oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed, arrimaha amniga iyo sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo xasilloonida Puntland.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland. Xiisadda ayaa sii xoogeysatay toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo labada dhinac ay isku khilaafsan yihiin arrimo ay ka mid yihiin dastuurka, nidaamka federaalka iyo maamulka ciidamada.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.