• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay heshiis doorasho oo degdeg ah

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay heshiis doorasho oo degdeg ah
Share

Wararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo ku baaqay in xal degdeg ah laga gaaro muranka ka taagan doorashooyinka iyo kala guurka siyaasadeed.

Farmaajo ayaa sheegay in muddada sharciyeed ee Madaxweynaha hadda talada haya, Xassan Sheekh Maxamud, ay ku eg tahay 15-ka May 2026, taas oo uu ku tilmaamay xilli xasaasi ah oo u baahan go’aan mideysan iyo hannaan siyaasadeed oo la isku raacsan yahay.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in maalmaha kooban ee harsan loo baahan yahay in xoogga la saaro dhismaha hannaan doorasho oo loo dhan yahay, si looga hortago khilaaf horleh iyo qalalaase siyaasadeed oo dalka ka dhasha.

Farmaajo ayaa sheegay in geeddi-socodka doorashada uu yahay arrin masiiri ah oo u baahan wadatashi dhab ah, isla markaana ay muhiim tahay in dhinacyada siyaasadda ay ku heshiiyaan waddada loo marayo doorasho lagu wada kalsoonaan karo.

Sidoo kale, madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay dowladda federaalka inay si degdeg ah u sii deyso wariyeyaasha iyo dadka uu sheegay inay u istaageen difaaca bulshada, isaga oo xusay in xarigyadaasi ay ka hor imaanayaan dastuurka iyo xeerarka dalka.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa si adag u dhaliilay qorshaha dowladda ee ku saabsan dhismaha guryo loo sameynayo qaar ka mid ah qoysaska barakacayaasha ah ee laga raray Muqdisho, isaga oo sheegay in arrintaasi ay u muuqato mid lagu dejinayo cadaadiska bulshada.

Wuxuu tilmaamay in aanay jirin miisaaniyad hore loogu qorsheeyay mashruucaas, taas oo shaki gelinaysa sida loo fulin karo xilli dowladda waqtigeedu gabaabsi yahay, iyadoo weli muranka doorashada uu taagan yahay.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.