• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Farmaajo Oo Sheegay In Dalka Galay Marxalad siyaasadeed oo halis ah

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 2 mins read
Farmaajo Oo Sheegay In Dalka Galay Marxalad siyaasadeed oo halis ah
Share

Wararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad siyaasadeed iyo mid dastuuri ah oo halis ah, kadib sida uu sheegay dhammaadka muddo xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka.

Qoraalka kasoo baxay Farmaajo ayaa lagu sheegay in xaaladda cusub ee dalka soo wajahday ay abuurtay firaaqo dastuuri ah iyo hubanti la’aan siyaasadeed, taas oo uu sheegay in looga gudbi karo oo keliya wada-tashi qaran oo loo dhan yahay.

Farmaajo ayaa ugu baaqay hormuudka siyaasadda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed inay yeeshaan wadahadal iyo isu-tanaasul lagu badbaadinayo dowladnimada dalka iyo xasiloonida siyaasadeed.

Sidoo kale, madaxweynihii hore ayaa sheegay in xukuumadda hadda jirta ay noqotay mid xil-gaarsiin ah, isaga oo tixraacay qodobbo kamid ah dastuurka KMG ah ee dalka. Wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay heshiis siyaasadeed oo horseeda doorasho la isku waafaqsan yahay si looga baxo marxaladda hadda jirta.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa farriin gaar ah u diray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay ka fogaadaan ku milanka arrimaha siyaasadda iyo in aan loo adeegsan awood ka baxsan sharciga.

Wuxuu sheegay in ciidamada looga baahan yahay inay xoogga saaraan waajibaadkooda dastuuriga ah ee la xiriira difaaca dalka, sugidda amniga iyo ilaalinta dowladnimada Soomaaliya.

Warsaxaafadeedkan ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Muqdisho ay ka socdaan wada-hadallo u dhexeeya dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo marxaladda kala guurka siyaasadeed ee dalka.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

5 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.