Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Afrika

Eritrea oo soo dhaweysay tallaabada Mareykanka uu  kaga qaaday cunaqabateynta

Wararka24; Dowladda Eritrea ayaa soo dhaweysay tallaabada Mareykanka uu kaga qaaday cunaqabateynta Ciidamada Difaaca Eritrea, xisbiga talada haya iyo hay’ado iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo sheegtay in go’aankaasi uu fursad u abuuri karo xiriir cusub oo u dhexeeya Asmara…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 20, 2026, 11:11 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Eritrea oo soo dhaweysay tallaabada Mareykanka uu  kaga qaaday cunaqabateynta
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24; Dowladda Eritrea ayaa soo dhaweysay tallaabada Mareykanka uu  kaga qaaday cunaqabateynta Ciidamada Difaaca Eritrea, xisbiga talada haya iyo hay’ado iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo sheegtay in go’aankaasi uu fursad u abuuri karo xiriir cusub oo u dhexeeya Asmara iyo Washington.

Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa 18-kii Sebtembar sheegtay in xaaladdii degdegga ahayd ee sharci ahaan saldhigga u ahayd cunaqabateynta ee la xiriirtay xaaladda Itoobiya ay dhacday. Kadib, Xafiiska Xakamaynta Hantida Dibadda ee Mareykanka (OFAC) ayaa liiska cunaqabateynta ka saaray hay’adihii iyo shaqsiyaadkii lagu daray iyadoo la adeegsanayo amarkaas.

Waxaa liiska laga saaray ka mid ah Ciidamada Difaaca Eritrea, xisbiga People’s Front for Democracy and Justice (PFDJ), Red Sea Trading Corporation iyo Hidri Trust, iyo sidoo kale qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Eritrea. Cunaqabateyntaas ayaa la soo rogay sanadkii 2021 xilligii dagaalka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa sheegay in cunaqabateyntii hore ay dalka u geysatay khasaare weyn, isagoo soo dhaweeyay waxa uu ku tilmaamay tallaabada iyo sixitaanka uu sameeyay maamulka Madaxweyne Donald Trump.

Cunaqabateynta ayaa xilligii dagaalka Tigray lagu beegsaday hay’ado iyo mas’uuliyiin Eritrean ah, iyadoo Mareykanku ku eedeeyay inay door ku lahaayeen colaadda iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ka dhashay. Ciidamada Eritrea ayaa dagaalkaas garab siinayay ciidamada dowladda federaalka Itoobiya ee dagaalka kula jiray xoogagga Tigray.

Eritrea ayaa marar badan diiday eedeymaha loo jeediyay ciidamadeeda, waxayna ku tilmaantay cunaqabateyntii Mareykanka mid aan loo meel dayin. Dowladda Eritrea ayaa hadda sheegtay in go’aanka cusub uu gacan ka geysan karo dhisidda xiriir iyo iskaashi wax-ku-ool ah oo labada dal dhex mara.

Dowladda Mareykanka dhankeeda waxay sheegtay in xaaladdii degdegga ahayd ee lagu saleeyay tallaabooyinkaasi ay dhammaatay, taasoo keentay in cunaqabateyntii ku dhisnayd amarkaasi ay meesha ka baxdo. Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegtay in siyaasadda Mareykanka loo baahan yahay in lagu waafajiyo xaaladaha hadda ka jira gobolka.

Si kastaba, ka qaadista cunaqabateyntan gaarka ah kama dhigna in dhammaan xannibaadaha ama tallaabooyinka Mareykanka ee la xiriira Eritrea ay meesha ka baxeen. Tusaale ahaan, Taliyaha ciidamada Eritrea General Filipos Woldeyohannes ayaa weli wajahaya cunaqabateyn uu Mareykanku horay ugu soo rogay barnaamijka Global Magnitsky.

Go’aanka ayaa kusoo beegmaya xilli muhiimadda amni ee Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab ay sii kordhayso, iyadoo xeebta Eritrea ay ku taallo meel istiraatiiji ah oo ku dhow marinnada maraakiibta caalamiga ah.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ronaldinho oo dib garoomada ugu soo noqday isagoo

Ronaldinho oo dib garoomada ugu soo noqday isagoo

20 hours ago
Somaliland oo xirtay ragii mareykan ka oo laga casuumay xafiiska

Somaliland oo xirtay ragii mareykan ka oo laga casuumay xafiiska

21 hours ago
Dowladda Somaliya oo soo dhaweysay go’aanka Mareykanka ee sii wadista

Dowladda Somaliya oo soo dhaweysay go’aanka Mareykanka ee sii wadista

21 hours ago
deegaannada Baab al-Mandab oo lala wareegay kadib bixitaanka ciidamada dowladda Yaman

deegaannada Baab al-Mandab oo lala wareegay kadib bixitaanka ciidamada dowladda Yaman

21 hours ago
Qorshe Mareykan ah oo  lagu doonayay in NFD loogu celiyo Somaliya

Qorshe Mareykan ah oo lagu doonayay in NFD loogu celiyo Somaliya

2 days ago
Safiirka Turkiga iyo ku xigeenka xoghayaha IGAD oo Muqdisho kaga wada hadlay xaladda Somaliya

Safiirka Turkiga iyo ku xigeenka xoghayaha IGAD oo Muqdisho kaga wada hadlay xaladda Somaliya

2 days ago
Ramla Cali oo ka hadashay xukunka lagu riday ninkii

Ramla Cali oo ka hadashay xukunka lagu riday ninkii

2 days ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Muqdisho ka furay shirka saddexaad ee

Ra’iisul Wasaare Xamza oo Muqdisho ka furay shirka saddexaad ee

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.