Wararka24: Ergayga sare ee Guddiga Nabadda ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee Gaza, Nikolay Mladenov, ayaa cambaareeyay weerarrada cirka ee Israa’iil weli ka waddo Gaza iyo sidoo kale falalka militari koxda Xamaas, isagoo ka digay in burburka xabbad-joojinta uu gobolka gelin karo xaalad aan dib looga soo kaban karin.

Mladenov oo ka hadlay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in geeddi-socodka lagu xoojinayo xabbad-joojinta uusan istaagin, balse ay weli jiraan khataro waaweyn oo caqabad ku noqon kara dadaallada lagu soo afjarayo colaadda.
Wuxuu si gaar ah uga digay dilka sii socda ee dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta, isagoo sheegay in weerarrada aan ku salaysnayn hanjabaad degdeg ah ay dhaawacayaan geeddi-socodka nabadda iyo kalsoonida dhinacyada.
Dhanka kale, Mladenov wuxuu sheegay in Xamaas aysan weli si buuxda u fulin ballanqaadkeedii ahaa inay joojiso dhammaan hawlaha militari. Wuxuu ku adkeystay in hubka, godadka iyo kaabayaasha militari ee weli jira ay dib u dhigayaan geeddi-socodka nabadda.
Shurudaha geeddi-socodka nabadda ee ka dhexeya Xamaas iyo ciidamada Israa’iil
Qorshaha uu Mareykanku soo bandhigay ayaa dhigaya in Xamaas hubka dhigto, iyadoo ciidamada Israa’iil ay si marxalado ah uga baxayaan Gaza. Hase yeeshee, Israa’iil ayaa ku adkeysanaysa in hub ka dhigista Xamaas ay noqoto tallaabada koowaad ka hor inta aan ciidamadeeda si buuxda looga saarin Gaza.
Mladenov ayaa sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ay ku heshiiyeen in la sameeyo hannaan lagu xallinayo arrimaha weli taagan, iyadoo guddiyo loo sameeyay arrintaas. Wuxuu sheegay in geeddi-socodku wali socdo, balse xaaladdu ay tahay mid halis ah.
Wakiilka Israa’iil ee Golaha Ammaanka ayaa sheegay in dalkiisu ka go’an yahay qorshaha Mareykanka ee lagu soo afjarayo dagaalka, balse uu ku adkeystay in aan la gaari karin nabad waarta iyadoo Xamaas ay weli haysato hub iyo kaabayaal militari.
Dhanka Falastiiniyiinta, wakiilkooda ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay si joogto ah u beegsanayso dadka rayidka ah ee Gaza, wuxuuna beesha caalamka ugu baaqay inay qaaddo tallaabooyin degdeg ah oo lagu ilaalinayo shacabka.
Mladenov ayaa ugu dambeyn ka digay in burburka xabbad-joojintu uu meesha ka saari karo qorshayaasha maamulka Gaza iyo dib-u-dhiska dhulka, isagoo sheegay in fashilka heshiiska uu noqon karo xaalad aad u adag in dib looga soo laabto.







