• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Wararka24: Dowladda Turkiga oo duqaymo culus ka fuliyay Shabellaha Dhexe + faah faahin dheraad ah

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 years ago
Reading Time: 4 mins read
Dowladda Turkiga
Share

Dowladda Turkiga

Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah uga qayb qaadaneysa weerarada xagga cirka ah ee ka socda Gobolka Shabellaha Dhexe, iyagoo taageero u fidinaya howlgalka ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwada Difaaca Shacabka kula dagaalamayaan maleeshiyada Al Shabaab.

Turkiga ayaa uga falcelinaya codsi rasmi ah oo dhawaan uga yimid Madaxda Qaranka, kuwaasoo dalbaday in la xoojiyo duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab inta ay socdaan howlgalada dib-u-xoreynta Hirshabelle iyo Galmudug. Waxaana diiradda la saarayaa in diyaaradahooda dagaalka ay si gaar ah uga howlgalaan Shabellaha Dhexe, oo culeys aan horay loo arag kala kulmay weerarada ay Shabaabku qaadeen toddobaadyadii la soo dhaafay.

Turkiga oo Bayraktar TB2 u adeegsanaya duqeymaha

Saraakiisha Turkiga ee ka howlgala gudaha Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay si joogto ah uga fulinayay duqeymo gobolkaasi, iyagoo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in saraakiisha ka tirsan Saldhigga Turksom, oo ku yaalla duleedka Muqdisho, ay si toos ah u duqeynayaan bartilmaameedyada ay codsadaan Militariga Soomaaliya.

Dhanka kale, Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska Gorgor, oo Turkiga uu tababaray, ayaa si dhow ula shaqeynaya Taliska Turksom, iyagoo gacan ka siinaya bartilmaameedyada la beegsanayo.

Duqeymihii ugu xooganaa oo lala beegsaday Al Shabaab

Muddo 8 cisho gudahood, duqeymaha laga fuliyay Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa noqday kuwa ugu culus ee Al Shabaab lagula beegsaday gobolkaasi muddo kooban gudaheed.

Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha ay si wadajir ah u fuliyeen Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Militariga Soomaaliya, iyagoo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka ee Turkiga.

Horaantii bishan ayaa la soo wariyay in NISA ay gacanta ku heyso drones-yada yaryar ee is-qarxiya, kuwaas oo dhowaan lagu beegsaday bartilmaameedyo ku yaalla Degmada Ceelbaraf.

Dowladda Turkiga oo ka duwan Mareykanka

Turkida ayaa si gaar ah uga duwan Mareykanka marka ay timaado howlgallada noocan oo kale ah, maadaama aanay sida caadiga ah shaacin bartilmaameedyada ay duqeeyaan Koofurta & Bartamaha Soomaaliya.

Dowladda Ankara ayaa mar kasta garab taagan Soomaaliya, waxaana ay taageerada militari, dhaqaale iyo amni siineysay dowladda federaalka muddo ka badan toban sano.

Xiriirka Dowladda Ankara & Soomaaliya oo sii xoogeysanaya

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa 8-dii Febraayo 2024 kala saxiixday heshiis iskaashi oo 10 sano ah, kaas oo ku saabsan dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha.

Dowladda Turkiga ayaa ah saaxiibka ugu weyn ee ay Soomaaliya maanta leedahay, wuxuuna Muqdisho ka taageeraa:
🔹 Dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo qalabeyntooda.
🔹 Xoojinta amniga iyo dowladnimada.
🔹 Hormarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

📌 Wararka24 – Xog rasmi ah & Faahfaahin degdeg ah


Share

Recommended

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

7 months ago

Faransiiska iyo Talyaaniga oo xiriir diblomaasiyadeed la sameeyay Iiraan

7 months ago
Dowladda Federaalka Soomaaliya

DF Soomaaliya oo Waddada udhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, Cidamo Badan Udirtay + Sababta

2 years ago
Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Kulmay Hoggaanka Xisbiyada Siyaasadda

1 year ago
DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

1 year ago
Garaad Jaamac Garaad Cali

Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaan Daa’uud Suldaan Cabdiqaadir oo Nabad isla qaatey iyago ka kala socda somaliland iyo khaatumo 

1 year ago
Gurmadka ciidamada

Gurmadka Ciidamada oo Ku Qulqulaya Dhinaca Furimaha Gobolka Hiiraan

2 years ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.