
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu dhammeystiri doono mashruuc cusub oo lagu dhisayo diyaaradda jiilka lixaad ee ciidanka cirka Mareykanka. Diyaaradan oo ay dhiseyso shirkadda Boeing, ayaa Trump ku dhawaaqay in loo bixin doono magaca F-47.
Trump wuxuu ku sheegay diyaaradan inay noqon doonto mid aan hore loo arkin dunida, oo loo adeegsan karo dagaallo. Wuxuu caddeeyay in diyaaradan si tijaabo ah oo qarsoodi ah muddo shan sanno ah u duuleysay, isaga oo intaa ku daray in F-47 ay ku qalabaysan tahay tignoolajiyada casriga ah ee qarsoodiga ah, oo aan la arki karin, isla markaana leh awood aan hore loo arag.
Muddo xileedka Donald Trump inta uusan dhammaan ayaa la filaya in diyaaradan si rasmi ah loogu oggolaado milatariga Mareykanka inay adeegsan karaan. Kharaashka hordhaca ah ee la oggaaday diyaaradan ayaa lagu sheegay inuu ku baxayo 20 bilyan oo dollar.
📌 Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah