New York – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii yeeshay fadhi muhiim ah oo looga dooday mustaqbalka cunaqabateynta saaran Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, iyadoo ay ka qeeb galeen 15 xubnood oo ah dowlaha codeynayey oo ay Soomaaliya kujirto.
Intii lagu guda jiray codeynta, sagaal dal oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa diiday in la qaado cunaqabateynta, taasoo ka dhigan in go’aankii dib loogu fasaxayay Iran uu fashilmay.
Dalalka diiday waxaa ka mid ahaa Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Denmark, Giriiga, Sierra Leone, Panama, Slovenia iyo Soomaaliya. Go’aankan ayaa loo arkay mid muujinaya mowqif mideysan oo ay la qaateen quwadaha reer Galbeedka iyo dalal kale oo xubno ku ah Golaha Ammaanka.
Dhanka kale, afar dal ayaa u codeeyay in la qaado cunaqabateynta, kuwaas oo kala ahaa Ruushka, Shiinaha, Pakistan iyo Aljeeriya. Saddexda xubnood ee soo harayna way ka aamuseen.
Ruushka iyo Shiinaha oo ah laba ka mid ah xubnaha joogtada ah ayaa si cad u muujiyay sida ay uga soo horjeedaan sii socoshada cadaadiska saaran Iran, iyagoo ku dooday in cunaqabateyntu aysan xal u keenin xiisadda barnaamijka nukliyeerka.
Go’aankan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiisadda bariga dhexe iyo gaar ahaan arrimaha nukliyeerka Iran ay mar kale noqdeen mowduuc caalami ah. Soomaaliya, oo markii ugu horreysay la arkay inay qaadato mowqif cad oo dhinac ka raacsan quwadaha reer Galbeedka, ayaa si gaar ah loo xusay kadib codeynta.