Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Puntland oo Maxkamad Horgeysay Rag Xiriir La Leh Daacish iyo Shabaab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland, gaar ahaan qeybta dambiyada culus ee Mudug iyo Cayn, ayaa la horgeeyay afar nin oo lagu

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
May 21, 2025, 12:16 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Puntland
Share

Puntland

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland, gaar ahaan qeybta dambiyada culus ee Mudug iyo Cayn, ayaa la horgeeyay afar nin oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxaha xagjirka ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.

Saddex kamid ah eedeysanayaasha ayaa la sheegay inay magaalada Gaalkacyo kusoo geliyeen walxo qarxa oo ay kamid yihiin baaruud TNT ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones), kuwaas oo la tuhunsan yahay in loo adeegsan lahaa falal argagixiso.

Eedeysanaha afraad ayaa isna lagu eedeeyay inuu hore uga tirsanaa Al-Shabaab, balse uu damacsanaa inuu ku biiro kooxda Daacish, iyadoo ay ciidamada sirdoonka Puntland hayeen xogta dhaqdhaqaaqiisa taasoo keentay in gacanta lagu dhigo.

Magacyada eedeysanayaasha la horgeeyay maxkamadda waa:

1. Maxamud Daahir Maxamed – 25 sano jir, hooyadiis Maryan Cabdi

2. Cabdifitaax Xaashi Diiriye – 36 sano jir, hooyadiis Caasho Salaad

3. Jaylaani Shariif Siidow – 28 sano jir, hooyadiis Batuulo Macalin

4. Ciise Xuseen Ibraahim – 22 sano jir, hooyadiis Sahro Cali

Xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa maxkamadda ka codsatay in dacwadda si degdeg ah loo qaado, si loo xaqiijiyo cadaalad isla markaana looga hortago khataraha argagixisada.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyadoo la kaashaneysa bulshada deegaanka iyo taageerada saaxiibada caalamka.

Sidoo kale, maamulka ayaa adkeeyay in aysan jiri doonin wax tanaasul ah marka ay timaado sugidda amniga.

Puntland ayaa horey u fulisay howlgallo culus oo lagula dagaalamayay kooxaha xagjirka ah, waxaana la burburiyay saldhigyo badan oo ay ku lahaayeen buuraha Cal-Madow iyo Cal-Miskaad ee gobolka Bari.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

1 day ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

1 day ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.