• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, March 2, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
21 hours ago
Reading Time: 2 mins read
DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

Wararka Ugu Aqrintabadan

DF Soomaaliya oo faahfaahisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda Iiraan iyo Bariga Dhexe

DF Soomaaliya oo faahfaahisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda Iiraan iyo Bariga Dhexe

17 hours ago
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo khudbadka Ka jeediyay Shir-Madaxeedka Midowga Afrika

Xasan Sheekh oo sii wada dadaalladiisa ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah

21 hours ago
Load More
Share

Wararka24: 1-02-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgallo qorsheysan oo ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe lagu fashiliyay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol, isla markaana lagu gaarsiiyay jab culus.

Howlgalladan ayaa la sheegay in ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamiga ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgalladaasi. Qoraalka ayaa xusay in ciidamada ay beegsadeen maleeshiyaad abaabul iyo dhaqdhaqaaqyo dagaal ka waday deegaanno ka tirsan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Howlgal ka dhacay aagga Waab-weyn iyo isgoyska Madaxyo-weyn ee hoostaga degmada Maxaas ayaa lagu sheegay in lagu dilay 17 xubnood, laguna burburiyay goobo ay ku sugnaayeen.

Sidoo kale, howlgal kale oo ka dhacay howdka deegaanka Buulo-naagey ayaa lagu sheegay in lagu soo afjaray 23 xubnood oo lagu tuhmay inay qorsheynayeen falal amni darro.

NISA ayaa sheegtay in ay sii xoojin doonto dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab, iyadoo ku boorrisay shacabka inay la wadaagaan macluumaad kasta oo la xiriira amniga.

Maalmihii u dambeeyay, dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah kooxda, iyadoo dhowaan howlgal ka dhacay Saakow lagu sheegay in lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ilaa hadda, ma jiro war ka soo baxay Al-Shabaab oo ku saabsan sheegashada dowladda ee khasaaraha la gaarsiiyay.

Share
Tags: wararka mantawararka somaliaWararka24 manta
Previous Post

Trump oo soo saaray digniin culus oo uu u diray Iiraan

Next Post

Taliyaha cusub ee ciidanka Uganda ee xarumaha Qaramada Midoobay ee kuyaala xerada Xalane

Related Posts

Sacuudi Carabiya oo  Rajeyneysa Helitanka barnaamij Nukliyeer Kadib go’aanka…

Sidee Maxamed bin Salmaan loogu qanciyey weerarka Iran ?

by Amin Cali Abdi
6 minutes ago

Wararka24: 2-02-2026 Senator-ka Mareykanka Lindsey Graham ayaa dhammaadkii bishii Febraayo safar ku tagay Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu...

DF Soomaaliya oo faahfaahisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda Iiraan iyo Bariga Dhexe

DF Soomaaliya oo faahfaahisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda Iiraan iyo Bariga Dhexe

by Amin Cali Abdi
17 hours ago

Wararka24: 1-02-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadashay xaaladda ka taagan Iiraan iyo...

Hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Iiraan kadib dilkii Khamenei

Hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Iiraan kadib dilkii Khamenei

by Amin Cali Abdi
18 hours ago

Wararka24: 1-02-2026 Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday in Aayatullaahi Alireza Arafi si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay hoggaamiyaha sare...

Taliyaha cusub ee ciidanka Uganda ee xarumaha Qaramada Midoobay ee kuyaala xerada Xalane

Taliyaha cusub ee ciidanka Uganda ee xarumaha Qaramada Midoobay ee kuyaala xerada Xalane

by Amin Cali Abdi
20 hours ago

Wararka24: 1-02-2026 Dowladda Uganda ayaa Lt Col Nathan Akankunda u magacowday taliyaha cusub ee cutubka ilaalada xarumaha Qaramada...

Mareykanka

Trump oo soo saaray digniin culus oo uu u diray Iiraan

by Amin Cali Abdi
21 hours ago

Wararka24: 1-02-2026 Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo saaray digniin culus oo uu u diray Iiraan, isaga oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo khudbadka Ka jeediyay Shir-Madaxeedka Midowga Afrika

Xasan Sheekh oo sii wada dadaalladiisa ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah

by Amin Cali Abdi
21 hours ago

Wararka24: 1-02-2026 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sii wada dadaalladiisa ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod...

Load More
Next Post
Taliyaha cusub ee ciidanka Uganda ee xarumaha Qaramada Midoobay ee kuyaala xerada Xalane

Taliyaha cusub ee ciidanka Uganda ee xarumaha Qaramada Midoobay ee kuyaala xerada Xalane

Hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Iiraan kadib dilkii Khamenei

Hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Iiraan kadib dilkii Khamenei

DF Soomaaliya oo faahfaahisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda Iiraan iyo Bariga Dhexe

DF Soomaaliya oo faahfaahisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda Iiraan iyo Bariga Dhexe

Recommended

Muqdisho

Muqdisho Ciyaartoy Caalami ah oo Manta Soo Gaaray + Faahfahin

9 months ago
Joe Biden

Madaxweynihii Hore ee Mareykanka Joe Biden oo Laga Helay Cudur Halis ah

10 months ago
Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon-isweydaarsi ku saabsan xiriirka hay’adaha xilliyada degdegga

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray aqoon-isweydaarsi ku saabsan xiriirka hay’adaha xilliyada degdegga

3 weeks ago
 Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho,

Ciidamada Dowladda oo Xoog ku Qabsaday Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho

1 year ago
Somaliland oo sheegtay in Aqoonsiga Israa’iil uu Horseed Uyahay Isbeddel…

Somaliland oo sheegtay in Aqoonsiga Israa’iil uu Horseed Uyahay Isbeddel…

2 days ago
Puntland

Puntland: Hada ayuu xalaal noqday!

7 months ago
Dr. adan Musharraxii Garabka Firdhiye oo ku guulaystay GuddoomIyaha baarlamaanka GWB

Dr. adan Musharraxii Garabka Firdhiye oo ku guulaystay GuddoomIyaha baarlamaanka GWB

6 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.