Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

CID-da oo amar kusoo rogay Musharaxiinta golaha wakiilada iyo kuwa golaha Deegaanka

Taliska Qaybta Baarista Dambiyada (CID) ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya, qaybta Galmudug, ayaa soo saaray amar cusub oo ku wajahan dhammaan musharraxiinta u tartamaya kuraasta Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka Galmudug, kaas oo lagu farayo inay maraan baaritaan dhanka…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 18, 2026, 5:52 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
CID-da oo amar kusoo rogay Musharaxiinta golaha wakiilada iyo kuwa golaha Deegaanka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Taliska Qaybta Baarista Dambiyada (CID) ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya, qaybta Galmudug, ayaa soo saaray amar cusub oo ku wajahan dhammaan musharraxiinta u tartamaya kuraasta Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka Galmudug, kaas oo lagu farayo inay maraan baaritaan dhanka dambiyada ah kahor inta aysan billaabin ololahooda doorashada.

Warqad rasmi ah oo kasoo baxday CID-da Galmudug ayaa lagu sheegay in baaritaannadan looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo in musharraxiintu aysan xiriir ama ku lug lahayn kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana aysan lahayn diiwaanno dambiyeed oo saameyn kara amniga iyo hufnaanta geeddi-socodka doorashada.

Taliska CID-da ayaa sidoo kale faray dhammaan musharraxiinta inay tagaan xarunta CID-da ee magaalada Dhuusamareeb si loogu sameeyo baaritaanka lagama maarmaanka ah, loogana siiyo shahaadada dambi la’aanta, taas oo laga dhigay shuruud muhiim u ah ka qeybgalka doorashada.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu sugayo amniga iyo daahfurnaanta doorashooyinka, isla markaana looga hortagayo in shaqsiyaad xiriir la leh kooxaha hubeysan ay ku dhex milmaan hay’adaha dowladeed.

Amarkan ayaa kusoo beegmaya xilli Galmudug ay waddo diyaar-garowga doorashada Golaha Wakiillada, iyadoo maamulka uu ku celceliyay muhiimadda ay leedahay in doorashadu u dhacdo si waafaqsan sharciga iyo habraacyada amniga.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa sidoo kale ugu baaqay musharraxiinta inay si buuxda ula shaqeeyaan hay’adaha baarista, si loo dedejiyo habraaca loona xaqiijiyo doorasho lagu kalsoonaan karo. Dowladda Galmudug ayaa hore u sheegtay inay mudnaan gaar ah siinayso ilaalinta amniga inta lagu jiro geeddi-socodka doorashada, iyadoo la adkeynayo tallaabooyinka lagu xaqiijinayo hufnaanta iyo kalsoonida shacabka



Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

5 minutes ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.