Warbixin baaritaan ah oo uu Axaddii daabacay wargeyska The New York Times ayaa sheegtay in hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad ay sannadkii 2006 magaalada Istanbul ee Turkiga ka afduubtay jeneraal sare oo Iraani ah, kadibna ay dishay.
Jeneraalka la sheegay ayaa ah Alireza Asgari, oo hore u ahaa taliye sare oo ka tirsan Ciidamada Quds ee Ilaalada Kacaanka Iran, kadibna noqday ku xigeenka wasiirka difaaca Iran.
Asgari ayaa bishii Diseembar 2006 si lama filaan ah uga waayay huteel ku yaallay magaalada Istanbul.
Saddex sarkaal oo hore uga tirsanaa dowladda Mareykanka ayaa wargeyska u sheegay in sirdoonka Israa’iil ay afduubteen Asgari, muddo toddobaadyo ahna su’aalo ku weydiinayeen markab dushiis.
Sida lagu sheegay warbixinta, Israa’iil waxay rumeysnayd in Asgari uu xog ka hayo Ron Arad, oo ahaa sarkaal Israa’iili ah oo diyaaradiisa lagu soo riday Lubnaan sannadkii 1986, kadibna la waayay.
Markii ay ku qanceen inuusan wax xog ah ka haynin Arad, ayaa la sheegay inay dileen, meydkiisana ku tuureen Badda Madow.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in sannadkii 2021 jeneraal kale oo Iraani ah, Abdullah Saberi, laga afduubay magaalada Dimishiq ee Suuriya, kadib markii uu ka soo laabtay jimicsi subaxnimo.
Saberi ayaa la sheegay in daroogo la siiyay, laguna qasbay inuu galo gaari. Kadib waxaa lagu sii daayay waddo ku taalla magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika, waxaana uu sheegay in la jirdilay.
Ilo Iraani ah ayaa sheegay in su’aalaha la weydiiyay ay dhammaantood ku saabsanaayeen Ron Arad.
Israa’iil ayaa beenisay inay lug ku lahayd la’aanshaha Asgari. Ilaa hadda lama hayo jawaab rasmi ah oo ay dowladaha Iran iyo Turkiga ka bixiyeen warbixinta.
Warbixinta ayaa sheegtay in raadinta Ron Arad, oo socotay tobanaan sano, ay la xiriirtay dhimashada dad badan.
Arad ayaa la rumeysan yahay inuu dhintay qiyaastii sannadkii 1988, ku dhowaad laba sano kadib markii la soo riday diyaaradiisa.
Bishii Maarso ee sannadkan, ciidamada Israa’iil ayaa weerarro ku qaaday tuulada Nabi Chit ee Lubnaan, iyagoo raadinayay haraaga Arad, balse lama helin.
Warbixintan ayaa soo baxday xilli ay sii xumaatay xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Iran, kadib dagaalkii Mareykanka iyo Israa’iil ay sannadkan la galeen Iran.









