wararka ;Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Uganda ee howlgalka AUSSOM ayaa fashiliyay weerar culus oo ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada isbaheysanaya ay ka hortageen isku dayga weerarka, isla markaana ay jab xooggan gaarsiiyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Bayaanka ayaa lagu xusay in dagaalka lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka tiro kale oo badan la dhaawacay.
Wasaaradda ayaa caddeysay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda iyo ka hortagga weerarradeeda.
Ciidamada ayaa sidoo kale wada dhaqdhaqaaqyo milatari oo ka socda aagga Mubaarak, iyagoo baacsanaya xubnihii firxaday ee ka badbaaday dagaalka.
Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, iyadoo howlgalada la filayo inay sii socdaan si loo xaqiijiyo amniga guud ee gobolka















