Wararka24: 10-02-2026 Kooxda Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku qiratay in Sheekh Maxamed Saahal, oo ay ku naanaysi jireen Abu Usaama, laguna sheegay inuu ahaa madaxa guddiga abaarta ee kooxda, lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe.
Kooxdu waxay sheegtay in duqeynta lagu beegsaday xilli uu ku sugnaa deegaan ka tirsan gobolkaas, ayna ku andacoodeen inuu ku howlanaa arrimo la xiriira gargaar.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale tilmaantay in Abu Usaama hore xilal uga soo qabtay kooxda, isla markaana uu mar soo noqday mas’uul u qaabilsanaa gobolka Shabeellaha Hoose.
Bayaankan ayaa yimid saacado kadib markii NISA ay sheegtay in duqeyn ka dhacday degmada Saakow lagu bartilmaameedsaday sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, balse aysan xilligaas shaacin magaciisa.
Illaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah uma xaqiijin ama uma beenin sheegashada Al-Shabaab ee ku saabsan geerida Sheekh Maxamed Saahal.


















