Wararka24; Xogta cusub ee Bankiga Adduunka ayaa muujinaysa in dhaqaalaha Soomaaliya uu kobcay 3 boqolkiiba sanadkii 2025, taasoo ka duwan sheegasho uu dhawaan jeediyay ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo ku saabsanaa in dhaqaalaha dalka uu hoos u dhacay. Bankiga ayaa sheegay in xawaaraha kobaca dhaqaalaha uusan la mid ahayn marka loo eego sanadkii ka horreeyay, balse uusan dhaqaaluhu hoos u dhicin.
Warbixinta Bankiga Adduunka waxay muujinaysaa in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkii 2024 koray 4.1% boqolkiiba, halka kobaca lagu qiyaasay 3% boqolkiiba 2025. Sidaas darteed, waxa dhacay waa hoos u dhac ku yimid xawaaraha kobaca dhaqaalaha, balse ma ahayn in dhaqaalaha guud uu yaraaday.
hoos u dhaca ku yimid xawaaraha kobaca dhaqaalaha waxaa uu Bankiga Adduunku ku sababeeyay hoos u dhaca gargaarka dibadda, xaaladaha cimilada iyo cadaadiska ku yimid kharashaadka qoysaska.
Doodda kale waxay ku saabsan tahay heerka lacagaha loo isticmaalo mashaariicda horumarinta Soomaaliya. Xogta la soo bandhigay ayaa muujinaysa in heerka lacag-bixinta mashaariicda uu sanad-maaliyadeedka 2026 gaaray 29.4% boqolkiiba, marka loo eego ku dhowaad 24% boqolkiiba sanadkii 2025.
Bankiga Adduunka ayaa sheegay in lacag aan weli laga bixin mashruuc horumarineed aysan si toos ah uga dhignayn in lacagta la lunsaday ama si xun loo maareeyay. Mashaariic badan ayaa socda dhowr sano, iyadoo lacagaha loo sii daayo marxalado ku xiran horumarka shaqada, heshiisyada qandaraasyada iyo jadwalka mashruuca.
Sidaas darteed, lacag loo qoondeeyay mashruuc sanad gaar ah khasab ma aha in dhammaanteed lagu kharash gareeyo isla sanadkaas. Heerka lacag-bixinta waxaa sidoo kale lagu qiimeeyaa iyadoo la eegayo lacagaha ku jira mashaariicda socda iyo marxaladda ay marayaan.
Hadallada Cali Kheyre ayaa dhaliyay dood siyaasadeed oo ku saabsan sida loo maareeyay dhaqaalaha iyo maalgelinta mashaariicda horumarinta. Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sheegay in boqolaal milyan oo dollar oo loogu talagalay horumarinta Soomaaliya aan la isticmaalin sanadihii 2024 iyo 2025, isagoo arrintaas ku xiray maamul-xumo iyo musuqmaasuq.
Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda sheegtay in lacagaha aan weli la bixin aysan caddeyn u ahayn lunsasho dhaqaale. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Beenebeene, ayaa sheegay in xogta Bankiga Adduunku ay taageerayso mowqifka dowladda ee ku saabsan heerka fulinta mashaariicda.
Si kastaba, Bankiga Adduunku wuxuu weli xusay caqabado waaweyn oo haysta dhaqaalaha Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin hoos u dhaca gargaarka dibadda, nuglaanta cimilada, amni darrada iyo baahida loo qabo in la kordhiyo dakhliga gudaha.







