Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay qorshe doorasho Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta ka hadlay isbeddellada siyaasadeed ee ka dhacay Koonfur Galbeed, kadib safar uu ku tagay magaalada Baydhaba.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 1, 2026, 10:26 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay qorshe doorasho Koonfur Galbeed
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta ka hadlay isbeddellada siyaasadeed ee ka dhacay Koonfur Galbeed, kadib safar uu ku tagay magaalada Baydhaba.

Aadan Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhaba ayaa u mahadceliyay shacabka deegaanka, isagoo sheegay inay muujiyeen taageero ay u hayaan dowladnimada iyo qorshaha dowladda federaalka.

Wuxuu sidoo kale bogaadiyay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee fuliyay howlgalka, isagoo xusay in ay ka gudbeen caqabado amni oo ay kala kulmeen duleedka magaalada.

“Waan maqalnay in ciidanka jidka loo galay, balse arrintaas waa laga soo gudbay,” ayuu yiri Aadan Madoobe, isagoo tilmaamay in howlgalka uu ku dhammaaday guul.

Guddoomiyaha ayaa ku dhawaaqay in dowladda ay ka shaqeyn doonto qabashada doorasho xalaal ah oo ka dhacda Baydhaba, isagoo faray ciidamada inay xoojiyaan ammaanka magaalada.

Wuxuu sidoo kale sheegay in la doonayo in la xakameeyo dhaqdhaqaaqa habeenkii si loo sugo amniga, xilli ay socoto marxalad kala guur ah oo maamulka ah.

Wafdiga uu hoggaaminayo Aadan Madoobe ayaa ka kooban xildhibaanno iyo wasiirro, kuwaas oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka awqaafta, iyagoo u tegay Baydhaba la-tashi ku saabsan xaaladda cusub.

Xaaladda magaalada Baydhaba ayaa haatan degan, kadib markii dowladda federaalka ay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta magaalada, taas oo si weyn u beddeshay jihada siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.