• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Mareykanka oo duqeeyay saddex markab oo shidaal oo Iran laga leeyahay..

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
6 days ago
Reading Time: 3 mins read
markabka-dagalka-marekanka
Share

CENTCOM oo soo bandigtay burburinta saddex markab oo shidaal oo ay leedahay IRGC kadib markii Iran ay bartilmaameedsatay laba markab oo dagaal oo ay lee yahiin Ciidanka Badda ee Mareykanka sida ay sheegen.

Muqdisho – Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay Sabtidii weerareen saddex markab oo shidaal oo laga leeyahay Dalka Iran, kadib markii Ilaalada Kacaanka Iran ay gantaallo ballistic ah ku rideen laba markab oo dagaal oo uu Mareykanka lee yahay kuwaas oo ku sugnaa biyaha gobolka Bariga dhexe.

Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in markabka weyn ee qaada diyaaradaha dagaalka iyo markabka gantaallada ee Mareykanka ee loo yaqaan (guided-missile destroyer) ay ka badbaadeen weerarro dhowr ah oo ay Iran kusoo qaaday..

Markabka diyaaradaha xambaara ee fasalka Nimitz ah, USS George H.W. Bush (CVN 77), ayaa ku socdaalaya Badweynta Hindiya, gudaha aagga ay mas'uulka ka tahay Taliska Dhexe ee Mareykanka (U.S. Central Command), 23-kii Abriil, 2026. (Sawirka Ciidanka Badda ee Mareykanka)
Markabka weyn ee diyaaradaha xambaara ee mareekanka, USS George H.W. Bush (CVN 77), ayaa ku socdaalaya Badweynta Hindiya, gudaha aagga ay mas’uulka ka tahay Taliska Dhexe ee Mareykanka (U.S. Central Command), 23-kii Abriil, 2026. (Sawirka Ciidanka Badda ee Mareykanka)

Sida ay sheegay CENTCOM, ciidamada Mareykanka ayaa weerarka ku qaaday saddexda markab oo shidaal, kuwaas oo midkood lagu burburiyay Gacanka Cumaan, halka labada kalena laga dhigay kuwo aan shaqeyn karin gabi ahaanba.

Mareykanka ayaa sheegay in maraakiibtan ay qayb ka ahaayeen shabakad dhaqaale oo balaayiin dollar ah, taas oo Washington ku eedeysay inay dhaqaale u soo saarto Ilaalada Kacaanka Iran iyo kooxaha ay taageerto ee gobolka.

Admiral Brad Cooper, oo ah madaxa CENTCOM, ayaa sheegay in weerarka uu ahaa jawaab ka dhalatay weerarkii ay Iran ee ay ku qaaday maraakiibta Mareykanka..

Dhanka kale, warbaahinta Iran ayaa sheegtay in afar gantaal oo Mareykan ah ay ku dhaceen mid ka mid ah maraakiibta shidaalka ee ku sugnaa meel u dhow jasiiradda Kharg, halkaas oo ah xarun muhiim u ah dhoofinta shidaalka Iran. Wararkaasi waxay intaas ku dareen in shaqaalaha markabka laga daadgureynayay, iyadoo aan la soo sheegin wax dhimasho ah.

CENTCOM ayaa sheegtay in aysan jirin askari Mareykan ah oo waxyeelo kasoo gaartay weerarka ay iraan kusoo qaaday labadeeda markab.

Xiisada u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ayaa todobaadkan sii xoogeysatay, iyadoo labada dhinac ay qaadeen weerarro is-daba joog ah, taas oo abuurtay cabsida laga qabo inay dib usoo kiciso dagaalka taas oo saameyn hor leh abuuri karto..


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.