Wararka24: Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan Taliye Shub, ayaa ku dhaawacmay duqeyn xalay lala beegsaday gurigiisa oo ku yaalla degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Duqeynta ayaa sababtay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo haweeney Itoobiyaan ah oo ka shaqeynaysay guriga taliyaha ay ku geeriyootay weerarka. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ugu yaraan saddex qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in duqeyntu si toos ah u haleeshay guriga uu deganaa General Mahad Cabdiraxmaan Aadan. Xog dheeraad ah ayaa weli laga ururinayaa khasaaraha ka dhashay weerarka iyo xaaladda dadka kale ee goobta ku sugnaa.
Ilaa hadda lama xaqiijin cidda fulisay duqeynta ama nooca diyaaradda loo adeegsaday. Sidoo kale ma cadda sababta loo bartilmaameedsaday guriga ama xogta sirdoon ee lagu saleeyay weerarka.
General Mahad Shub ayaa kamid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada dowladda Soomaaliya. Xilligan waxaa lagu sheegay inuu ka tirsanaa garabka mucaaradka ee uu hoggaamiyo hoggaamiyihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Duqeynta Doolow ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xiisadda ayaa si gaar ah uga taagan magaalada Baydhabo, halkaas oo shalay ay ka dhaceen iska horimaadyo culus.
Dagaallada Baydhabo ayaa billowday kadib markii ciidamo taageersan Lafta-gareen ay weerar ku qaadeen magaalada. Iska horimaadka ayaa sababay in xaaladda amni ee Baydhabo ay sii xumaato, iyadoo weli aan si buuxda loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Ma jirto ilaa hadda cid si rasmi ah loogu sheegay inay mas’uul ka tahay duqeynta lagu qaaday guriga Taliye Shub. Mas’uuliyiinta dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed kama aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan weerarka iyo cidda ka dambeysa.
Dhacdadan ayaa sare u qaadaysa walaaca laga qabo in xiisadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ay isu beddesho iska horimaadyo hubeysan oo ku fida deegaanno kale. Xogta ku saabsan cidda fulisay weerarka iyo ujeeddada laga lahaa ayaa la filayaa inay soo baxdo marka baaritaannada socda ay helaan natiijooyin dheeraad ah.

















