Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 450 Al-Shabaab ah la dilay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in in ka badan 450 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ah lagu dilay howlgallo milatari oo dhulka iyo cirka ah oo laga sameeyay qeybo kamid ah dalka intii u dhexeysay May iyo August…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 4, 2026, 11:35 am EAT
Reading Time: 4 mins read
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 450 Al-Shabaab ah la dilay
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in in ka badan 450 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ah lagu dilay howlgallo milatari oo dhulka iyo cirka ah oo laga sameeyay qeybo kamid ah dalka intii u dhexeysay May iyo August 2026.

Xog laga soo xigtay war-saxaafadeedyada Wasaaradda Gaashaandhigga, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in tirada xubnaha Al-Shabaab ee la dilay muddadaasi ay gaareyso qiyaastii 452 ilaa 454 qof.

Dowladdu waxay sheegtay in dadka lagu dilay howlgallada ay ku jireen saraakiil sare iyo xubno muhiim ah oo kamid ahaa hoggaanka, sirdoonka iyo qeybaha kala duwan ee kooxda.

Bishii July ayaa noqotay muddadii ugu khasaaraha badneyd marka loo eego tirooyinka ay soo bandhigtay dowladda, iyadoo la sheegay in 243 xubnood oo Al-Shabaab ah lagu dilay howlgallada dhacay bishaas. Bishii May waxaa la sheegay in la dilay 57 xubnood, halka June lagu sheegay 109, August-na inta u dhexeysa 43 iyo 45.

Mid kamid ah howlgalladii waaweynaa ayaa dhacay 13-kii July deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan, halkaas oo dowladda ay sheegtay in hal duqeyn lagu dilay 42 xubnood oo Al-Shabaab ah. Sidoo kale, weerar 27-kii July ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu sheegay in lagu dilay 11 sarkaal iyo taliye sare.

NISA ayaa iyaduna sheegtay inay muddadaasi fulisay howlgallo ka dhan ah xubnaha iyo saldhigyada Al-Shabaab, iyadoo war-saxaafadeedyada hay’addu ay xuseen duqeymo iyo weerarro lagu dilay xubno ka tirsan kooxda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalada ay taageero ka heleen saaxiibo caalami ah. Turkiga ayaa kamid ahaa dhinacyada la sheegay inay ka qeyb qaateen howlgallada cirka, halka Taliska Mareykanka ee Afrika, AFRICOM, uu sidoo kale Soomaaliya ka fuliyay duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab. Reuters ayaa hore u xaqiijisay in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa dowlad-goboleedyada ay 2026 taageero caalami ah ka heleen howlgallo ka dhan ah kooxda.

Howlgallada ayaa sidoo kale lagu beegsaday saraakiil sare oo dowladda ay ku tilmaantay inay door muhiim ah ku lahaayeen howlaha Al-Shabaab, gaar ahaan dhinacyada sirdoonka, qaraxyada, dhaqaalaha iyo hoggaanka gobollada.

Dowladdu waxay sheegtay in howlgallada aysan ku koobnayn dilka xubnaha kooxda, balse sidoo kale lagu burburiyay saldhigyo, baro-koontarool iyo goobo kale oo ay Al-Shabaab ku tiirsaneyd.

Al-Shabaab oo si madax-bannaan u xaqiijinin sheegashada Dowlada Federalka

Si kastaba, tirada guud ee khasaaraha ay dowladda sheegtay iyo faahfaahinta dhammaan howlgalladaasi si madax-bannaan looma xaqiijin, iyadoo Al-Shabaab aysan ka jawaabin dhammaan sheegashooyinka dowladda.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan, iyadoo mudnaanta la siinayo burburinta saldhigyada kooxda, beegsiga hoggaankeeda iyo xoojinta awoodda ciidamada Soomaaliyeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

4 hours ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

2 days ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

2 days ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.