Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Israa’iil oo Giriigga la gashay heshiis difaaca cirka ah oo qiimihiisu yahay $3.5 bilyan

Israa'iil iyo Giriiga ayaa maanta kala saxiixday heshiis difaac oo ku kacaya $3.5 bilyan oo dollar kaas oo Israa'iil ay ku dhisi doonto nidaam difaac cirka ah iyadoo caasimada Athens ay sii waddo barnaamij casriyeyn militari oo ballaaran.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 31, 2026, 6:05 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Israa’iil oo Giriigga la gashay heshiis difaaca cirka ah oo qiimihiisu yahay $3.5 bilyan
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Israa’iil iyo Giriiga ayaa maanta kala saxiixday heshiis difaac oo ku kacaya $3.5 bilyan oo dollar kaas oo Israa’iil ay ku dhisi doonto nidaam difaac cirka ah iyadoo caasimada Athens ay sii waddo barnaamij casriyeyn militari oo ballaaran.


Wasaaradda difaaca Israa’iil ayaa sheegtay in uu ahaa heshiiskii difaaca ee ugu weynaa abid ee Israa’iil ay la gashay Giriiga waana mid ka mid ah heshiiskii ugu weynaa taariikhda dalka. Heshiisku wuxaa xaqiijiyay warbixin ay soo saartay warbahinta Reuters.

Amir Baram, oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda difaaca Israa’iil, ayaa sheegay in heshiiska oo loogu magac daray Achilles Shield uu ka tarjumayo “geeska tignoolajiyada Israa’iil iyo rikoorka la xaqiijiyay ee nidaamyada difaaca.”

Heshiiska hoostiisa, Israa’iil waxay Giriigga siin doontaa nidaamyada David Sling iyo SPYDER ee ay soo saartay Rafael Advanced Defense Systems iyo nidaamka BARAK MX ee ay samaysay Israel Aerospace Industries, iyo sidoo kale radar-ro badan oo MMR ah oo loogu talagalay ilaalinta hawada

Israa’iil aya radharka David u isticmaashay inay qabato gantaalada Iiraan intii lagu jiray dagaalkii ay la gashay Iiraan sanadkan. Giriiggu wuxuu noqonayaa macaamiilkii labaad ee nidaamkaas israail ka dhofsada marka laga reebo Finland.

Caasimada Giriigga ee Athens waxay qorsheyneysaa inay ku bixiso qiyaastii €28 bilyan marka la gaaro 2036 si loo dhiso nidaamka Achilles Shield, ka hortagga diyaaradaha iyo kuwa aan duuliyaha lahayn, iyo inay iibsato ilaa 40 diyaaradood oo dagaal oo F-35 ah iyo maraakiibta dagaalka ee Faransiiska iyo Talyaaniga.

Heshiiskan, Giriigga wuxuu sidoo kale heli doonaa nidaam cusub oo qaran oo amar iyo xakameyn ah, oo uu ka kashanaya cidanka hawada israail si kordiya awoodaha difaaca hawada ee dalka. Heshiiska dheeraadka ah ee €26 milyan ayaa lagu arki doonaa in Israa’iil ay Giriigga siiso nidaamyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Rafael si ay u ilaaliso goobaha istaraatiijiga.

Israa’iil waxay sidoo kale ballaarin doontaa iskaashiga difaaca iyo warshadaha ee Giriigga, oo ay ku jiraan wareejinta tignoolajiyada iyo khibradaha warshadaha maxalliga ah.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

23 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

23 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.