Wararka24: Israa’iil iyo Giriiga ayaa maanta kala saxiixday heshiis difaac oo ku kacaya $3.5 bilyan oo dollar kaas oo Israa’iil ay ku dhisi doonto nidaam difaac cirka ah iyadoo caasimada Athens ay sii waddo barnaamij casriyeyn militari oo ballaaran.
Wasaaradda difaaca Israa’iil ayaa sheegtay in uu ahaa heshiiskii difaaca ee ugu weynaa abid ee Israa’iil ay la gashay Giriiga waana mid ka mid ah heshiiskii ugu weynaa taariikhda dalka. Heshiisku wuxaa xaqiijiyay warbixin ay soo saartay warbahinta Reuters.
Amir Baram, oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda difaaca Israa’iil, ayaa sheegay in heshiiska oo loogu magac daray Achilles Shield uu ka tarjumayo “geeska tignoolajiyada Israa’iil iyo rikoorka la xaqiijiyay ee nidaamyada difaaca.”
Heshiiska hoostiisa, Israa’iil waxay Giriigga siin doontaa nidaamyada David Sling iyo SPYDER ee ay soo saartay Rafael Advanced Defense Systems iyo nidaamka BARAK MX ee ay samaysay Israel Aerospace Industries, iyo sidoo kale radar-ro badan oo MMR ah oo loogu talagalay ilaalinta hawada
Israa’iil aya radharka David u isticmaashay inay qabato gantaalada Iiraan intii lagu jiray dagaalkii ay la gashay Iiraan sanadkan. Giriiggu wuxuu noqonayaa macaamiilkii labaad ee nidaamkaas israail ka dhofsada marka laga reebo Finland.
Caasimada Giriigga ee Athens waxay qorsheyneysaa inay ku bixiso qiyaastii €28 bilyan marka la gaaro 2036 si loo dhiso nidaamka Achilles Shield, ka hortagga diyaaradaha iyo kuwa aan duuliyaha lahayn, iyo inay iibsato ilaa 40 diyaaradood oo dagaal oo F-35 ah iyo maraakiibta dagaalka ee Faransiiska iyo Talyaaniga.
Heshiiskan, Giriigga wuxuu sidoo kale heli doonaa nidaam cusub oo qaran oo amar iyo xakameyn ah, oo uu ka kashanaya cidanka hawada israail si kordiya awoodaha difaaca hawada ee dalka. Heshiiska dheeraadka ah ee €26 milyan ayaa lagu arki doonaa in Israa’iil ay Giriigga siiso nidaamyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Rafael si ay u ilaaliso goobaha istaraatiijiga.
Israa’iil waxay sidoo kale ballaarin doontaa iskaashiga difaaca iyo warshadaha ee Giriigga, oo ay ku jiraan wareejinta tignoolajiyada iyo khibradaha warshadaha maxalliga ah.







