Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Duqeyn lagu beegsaday saldhig Al-Shabaab ku la hayd duleedka Baydhaba

Duqeyn dhinaca cirka ah ayaa xalay ka dhacday deegaanka Naaxiyow oo hoostaga Dolondoola, gobolka Baay, halkaas oo la sheegay in lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 2, 2026, 4:28 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Duqeyn lagu beegsaday saldhig Al-Shabaab ku la hayd duleedka Baydhaba
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Duqeyn dhinaca cirka ah ayaa xalay ka dhacday deegaanka Naaxiyow oo hoostaga Dolondoola, gobolka Baay, halkaas oo la sheegay in lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegay in goobta la duqeeyay ay ahayd saldhig ay kooxda Al-Shabaab u adeegsanaysay abaabulka iyo diyaarinta weerarro ka dhan ah fariisimaha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ku yaalla duleedka magaalada Baydhaba.

Sida ay ilo amni sheegeen, diyaaradaha dagaalka ayaa qaaday duqeynta kaddib markii la helay xog ku saabsan dhaq-dhaqaaqyo ay kooxda ka wadday deegaanka. Wararka ayaa intaas ku daraya in howlgalka lagu burburiyay gaari dagaal oo ay kooxda lahayd.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in duqeynta ay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah gaarsiisay xubno ka tirsan Al-Shabaab, hase yeeshee tirada khasaaraha ayaan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

Ilaa hadda ma cadda cidda si rasmi ah u fulisay duqeynta, iyadoo sidoo kale aysan jirin war faahfaahsan oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo xaqiijinaya tirada khasaaraha ama natiijada howlgalka.

Duqeyntan ayaa kusoo beegmaysa xilli amniga Baydhaba iyo nawaaxigeeda uu kacsan yahay, kaddib dagaallo iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhacay magaalada iyo bannaankeeda toddobaadyadii lasoo dhaafay.

Xiisadda ayaa sidoo kale la xiriirta khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira Koonfur Galbeed, iyadoo ciidamo taabacsan hoggaamiyihii hore ee maamulka, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ay ku sugan yihiin meelo ka baxsan Baydhaba. Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe, ayaa hore u sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka ay qaadi doonaan tallaabooyin amni oo dheeraad ah.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhankiisa sheegay inuu xoogga saarayo xoojinta amniga Baydhaba, taageeridda ciidamada iyo ilaalinta shacabka, iyadoo xaaladda magaalada iyo deegaannada ku dhow ay weli tahay mid si dhow loola socdo


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.