Duqeyn dhinaca cirka ah ayaa xalay ka dhacday deegaanka Naaxiyow oo hoostaga Dolondoola, gobolka Baay, halkaas oo la sheegay in lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegay in goobta la duqeeyay ay ahayd saldhig ay kooxda Al-Shabaab u adeegsanaysay abaabulka iyo diyaarinta weerarro ka dhan ah fariisimaha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ku yaalla duleedka magaalada Baydhaba.
Sida ay ilo amni sheegeen, diyaaradaha dagaalka ayaa qaaday duqeynta kaddib markii la helay xog ku saabsan dhaq-dhaqaaqyo ay kooxda ka wadday deegaanka. Wararka ayaa intaas ku daraya in howlgalka lagu burburiyay gaari dagaal oo ay kooxda lahayd.
Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in duqeynta ay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah gaarsiisay xubno ka tirsan Al-Shabaab, hase yeeshee tirada khasaaraha ayaan weli si rasmi ah loo xaqiijin.
Ilaa hadda ma cadda cidda si rasmi ah u fulisay duqeynta, iyadoo sidoo kale aysan jirin war faahfaahsan oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo xaqiijinaya tirada khasaaraha ama natiijada howlgalka.
Duqeyntan ayaa kusoo beegmaysa xilli amniga Baydhaba iyo nawaaxigeeda uu kacsan yahay, kaddib dagaallo iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhacay magaalada iyo bannaankeeda toddobaadyadii lasoo dhaafay.
Xiisadda ayaa sidoo kale la xiriirta khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira Koonfur Galbeed, iyadoo ciidamo taabacsan hoggaamiyihii hore ee maamulka, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ay ku sugan yihiin meelo ka baxsan Baydhaba. Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe, ayaa hore u sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka ay qaadi doonaan tallaabooyin amni oo dheeraad ah.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhankiisa sheegay inuu xoogga saarayo xoojinta amniga Baydhaba, taageeridda ciidamada iyo ilaalinta shacabka, iyadoo xaaladda magaalada iyo deegaannada ku dhow ay weli tahay mid si dhow loola socdo







