Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Lafta-gareen oo iska fogeeyay eedeymaha ah inuu miciin biday Al-Shabaab lana xiriira

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Lafta-gareen, ayaa iska fogeeyay eedeymaha dowladda federaalka ee ah inuu xiriir ama xulafo la sameystay kooxda Al-Shabaab.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 28, 2026, 12:25 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Lafta-gareen oo iska fogeeyay eedeymaha ah inuu miciin biday Al-Shabaab lana xiriira
Share

Wararka24: Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Lafta-gareen, ayaa iska fogeeyay eedeymaha dowladda federaalka ee ah inuu xiriir ama xulafo la sameystay kooxda Al-Shabaab.

Lafta-gareen ayaa sheegay in dagaalladii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo ay ka dhasheen khilaaf u dhexeeya ciidamadiisa iyo ciidamo uu ku tilmaamay kuwo laga soo daabulay Muqdisho.

Wuxuu sheegay in ciidamadiisu ay weerarka u qaadeen sidii ay magaalada uga saari lahaayeen ciidamada uu ku tilmaamay kuwo soo galay Baydhabo, isla markaana ujeeddadu ahayd in xarunta maamulka Koonfur Galbeed dib loogu soo celiyo gacanta maamulkiisa.

Lafta-gareen ayaa si cad u sheegay in howlgalka ciidamadiisu uusan wax xiriir ah la lahayn Al-Shabaab, isagoo beeniyay in uu kooxdaasi la sameystay iskaashi ama uu kaashaday dagaallada ka socda Baydhabo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey Lafta-gareen ugu eedeysay inuu Al-Shabaab miciin biday, si ay isaga kaashadaan qalqal-gelinta amniga iyo xasiloonida Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, Lafta-gareen ayaa wax laga weydiiyay sababta uu markii hore uga baxay Baydhabo, isagoo sheegay in xilligaas uu haystay awood uu dagaal ku geli karo, balse uu go’aansaday inuu ka gaabsado si looga fogaado in shacabka iyo deegaanka ay waxyeello kasoo gaarto.

Wuxuu sheegay in xaaladda amni iyo cabashooyinka uu sheegay inay ka jiraan Koonfur Galbeed ay ku qasbeen inuu dib ugu soo laabto loollanka siyaasadeed iyo amni ee maamulka.

Hadallada Lafta-gareen ayaa kusoo beegmaya xilli Baydhabo ay weli ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid amni, iyadoo dowladda federaalka iyo dhinacyada ku loollamaya hoggaanka Koonfur Galbeed ay isku hayaan mustaqbalka maamulka.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.