• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Safiirkii Itoobiya ee Soomaaliya oo farriin u rebay shacabka Soomaaliyeed iyo madaxdooda

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
1 week ago
Reading Time: 3 mins read
Safiirkii Itoobiya ee Soomaaliya oo farriin u rebay shacabka Soomaaliyeed iyo madaxdooda
Share

Wararka24: Safiirkii Itoobiya ee Soomaaliya, Suleymaan Dedefo Woshe, oo dhawaan soo gaba-gabeeyay howlihii diblomaasiyadeed ee uu ka hayay Muqdisho, ayaa farriin ku saabsan xaaladda dalka u diray shacabka iyo hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed.

Dedefo ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhibaatooyinka amni-darro ee ay weli wajahaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in nabadgelyadu tahay xuquuq ay mudan yihiin dhammaan dadka dalka. Wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay ku noolaadaan deegaan ammaan ah oo xasilloon.

“Waxa aan ka xumahay dhibaatooyinka ay shacabka Soomaaliyeed weli la kulmaan ee amni-darro. Shacabka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin nabad,” ayuu yiri Dedefo.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliya ay mudan yihiin amni, xorriyad, sharaf iyo fursado ay ku horumariyaan noloshooda. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalka laga abuuro xaalad u saamaxaysa dadka inay si nabad ah ugu noolaadaan una shaqeystaan.

“Waxay mudan yihiin amni. Waxay mudan yihiin xorriyad, sharaf, fursad iyo barwaaqo,” ayuu hadalkiisa ku daray. Dedefo ayaa sheegay inuu rajeynayo in carruurta Soomaaliyeed ay ku koraan waddan ammaan ah oo nabdoon, ayna mustaqbalkooda ku wajahaan rajo iyo fursado wanaagsan. Wuxuu sheegay in carruurta aanay mudnayn inay ku barbaaraan cabsi iyo xaalado amni-darro.

Safiirkii hore ee Itoobiya ayaa sidoo kale farriin gaar ah u diray hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay inay dhinac iska dhigaan khilaafaadka siyaasadeed, isla markaana danta qaranka ka hormariyaan arrimaha kale.

“Waxaan si daacad ah u rajeynayaa in hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay meel iska dhigaan khilaafka oo danta qaranka ka hor mariyaan wax kasta,” ayuu yiri Dedefo.

Wuxuu sheegay in hoggaamiyeyaasha ay saaran tahay mas’uuliyad weyn, isla markaana ay haystaan fursad ay ku dhisi karaan Soomaaliya nabad ah, midaysan, deggan oo barwaaqo ah. Hadalka safiirka ayaa yimid xilli Soomaaliya ay weli wajahdo caqabado dhinaca amniga iyo khilaafaadka siyaasadeed ah.

Suleymaan Dedefo Woshe ayaa dhawaan Muqdisho ka tegay kadib markii uu soo gaba-gabeeyay muddadii uu safiirka Itoobiya u fadhiyay Soomaaliya, iyadoo labada dal ay leeyihiin xiriir diblomaasiyadeed iyo mid siyaasadeed oo muddo dheer soo jiray.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.