Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Ergay ka tirsan Guddiga Nabadda Gaza ee Madaxweyne Trump oo cambaareeyay Israa’iil

Nickolay Mladenov in cairo, democratic Bulgaria, FB images

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 27, 2026, 5:55 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Ergay ka tirsan Guddiga Nabadda Gaza ee Madaxweyne Trump oo cambaareeyay Israa’iil
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ergayga sare ee Guddiga Nabadda ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee Gaza, Nikolay Mladenov, ayaa cambaareeyay weerarrada cirka ee Israa’iil weli ka waddo Gaza iyo sidoo kale falalka militari koxda Xamaas, isagoo ka digay in burburka xabbad-joojinta uu gobolka gelin karo xaalad aan dib looga soo kaban karin.

Mladenov oo ka hadlay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in geeddi-socodka lagu xoojinayo xabbad-joojinta uusan istaagin, balse ay weli jiraan khataro waaweyn oo caqabad ku noqon kara dadaallada lagu soo afjarayo colaadda.

Wuxuu si gaar ah uga digay dilka sii socda ee dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta, isagoo sheegay in weerarrada aan ku salaysnayn hanjabaad degdeg ah ay dhaawacayaan geeddi-socodka nabadda iyo kalsoonida dhinacyada.

Dhanka kale, Mladenov wuxuu sheegay in Xamaas aysan weli si buuxda u fulin ballanqaadkeedii ahaa inay joojiso dhammaan hawlaha militari. Wuxuu ku adkeystay in hubka, godadka iyo kaabayaasha militari ee weli jira ay dib u dhigayaan geeddi-socodka nabadda.

Shurudaha geeddi-socodka nabadda ee ka dhexeya Xamaas iyo ciidamada Israa’iil

Qorshaha uu Mareykanku soo bandhigay ayaa dhigaya in Xamaas hubka dhigto, iyadoo ciidamada Israa’iil ay si marxalado ah uga baxayaan Gaza. Hase yeeshee, Israa’iil ayaa ku adkeysanaysa in hub ka dhigista Xamaas ay noqoto tallaabada koowaad ka hor inta aan ciidamadeeda si buuxda looga saarin Gaza.

Mladenov ayaa sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ay ku heshiiyeen in la sameeyo hannaan lagu xallinayo arrimaha weli taagan, iyadoo guddiyo loo sameeyay arrintaas. Wuxuu sheegay in geeddi-socodku wali socdo, balse xaaladdu ay tahay mid halis ah.

Wakiilka Israa’iil ee Golaha Ammaanka ayaa sheegay in dalkiisu ka go’an yahay qorshaha Mareykanka ee lagu soo afjarayo dagaalka, balse uu ku adkeystay in aan la gaari karin nabad waarta iyadoo Xamaas ay weli haysato hub iyo kaabayaal militari.

Dhanka Falastiiniyiinta, wakiilkooda ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay si joogto ah u beegsanayso dadka rayidka ah ee Gaza, wuxuuna beesha caalamka ugu baaqay inay qaaddo tallaabooyin degdeg ah oo lagu ilaalinayo shacabka.

Mladenov ayaa ugu dambeyn ka digay in burburka xabbad-joojintu uu meesha ka saari karo qorshayaasha maamulka Gaza iyo dib-u-dhiska dhulka, isagoo sheegay in fashilka heshiiska uu noqon karo xaalad aad u adag in dib looga soo laabto.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

22 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

23 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

23 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

24 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.