Wararka24: Puntland ayaa sheegtay inay beesha caalamka u gudbisay qoraallo iyo dukumentiyo ku saabsan duqeymo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay xeebaha maamulka, iyadoo Turkiga ku eedeysay inuu mas’uul ka yahay weerarradaasi.
Wasiir ku-xigeenka Amniga Puntland, Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana, ayaa sheegay in maamulka uu hayo caddeymo uu ku saleynayo eedeynta loo jeediyay ciidamada Turkiga. Wuxuu sheegay in Puntland ay diiddan tahay dilka dadka lagu tuhunsan yahay burcad-badeednimada, balse ay taageersan tahay in kooxahaasi loola dagaallamo si waafaqsan sharciga.

Dujaana ayaa sheegay in arrintan ay la xiriirto xaaladda markabka MV Lutuf, oo ay burcad-badeed Soomaali ah gacanta ku hayaan, kaas oo sida Puntland sheegtay siday qalab milatari oo xiriir la leh Turkiga.
Wasiirka ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay siyaasad ahaan ka fog tahay dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in khilaafka siyaasadeed uu saameyn ku yeeshay xiriirka maamulka iyo Turkiga.
Puntland ayaa horey uga hadashay duqeymo ka dhacay deegaannada xeebaha Nugaal, iyadoo sheegtay in dad kalluumeysato ah iyo hanti rayid lagu beegsaday. Maamulka ayaa dalbaday in cidda ka dambeysay weerarrada ay si cad uga jawaabto ujeeddada iyo sababta loo fuliyay.
Turkiga oo sheegay inuusan haynin xog ku saabsan duqeymaha ka dhacay xeebaha Puntland
Dhanka kale, Turkiga ayaa horey u sheegay inuusan haynin xog ku saabsan duqeymaha ka dhacay xeebaha Puntland. Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegay in Ankara aysan wax war ah ka haynin weerarrada ay Puntland ka hadashay.
Eedeynta cusub ee Puntland ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay inay la socoto hawlgallada milatari ee ka socda xeebaha Puntland. Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga, Cumar Cali Cabdi, ayaa sheegay in dowladda federaalku diyaarinayso warbixin dhammaystiran oo ku saabsan dhacdooyinka.
Si kastaba, weli ma jirto caddeyn madax-bannaan oo xaqiijineysa cidda fulisay duqeymaha, halka dowladda Turkiguna aysan si rasmi ah u qiran mas’uuliyadda weerarrada. Puntland ayaa hadda sheegtay inay arrinta u gudbisay beesha caalamka, iyadoo dalbanaysa in dhacdooyinka xeebaha si rasmi ah loo baaro.







