Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Puntland oo beesha caalamka u gudbisay dacwad ka dhan ah Turkiga

Puntland ayaa sheegtay inay beesha caalamka u gudbisay qoraallo iyo dukumentiyo ku saabsan duqeymo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay xeebaha maamulka, iyadoo Turkiga ku eedeysay inuu mas’uul ka yahay weerarradaasi.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 27, 2026, 5:24 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Puntland oo beesha caalamka u gudbisay dacwad ka dhan ah Turkiga
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Puntland ayaa sheegtay inay beesha caalamka u gudbisay qoraallo iyo dukumentiyo ku saabsan duqeymo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay xeebaha maamulka, iyadoo Turkiga ku eedeysay inuu mas’uul ka yahay weerarradaasi.

Wasiir ku-xigeenka Amniga Puntland, Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana, ayaa sheegay in maamulka uu hayo caddeymo uu ku saleynayo eedeynta loo jeediyay ciidamada Turkiga. Wuxuu sheegay in Puntland ay diiddan tahay dilka dadka lagu tuhunsan yahay burcad-badeednimada, balse ay taageersan tahay in kooxahaasi loola dagaallamo si waafaqsan sharciga.

Dujaana ayaa sheegay in arrintan ay la xiriirto xaaladda markabka MV Lutuf, oo ay burcad-badeed Soomaali ah gacanta ku hayaan, kaas oo sida Puntland sheegtay siday qalab milatari oo xiriir la leh Turkiga.

Wasiirka ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay siyaasad ahaan ka fog tahay dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in khilaafka siyaasadeed uu saameyn ku yeeshay xiriirka maamulka iyo Turkiga.

Puntland ayaa horey uga hadashay duqeymo ka dhacay deegaannada xeebaha Nugaal, iyadoo sheegtay in dad kalluumeysato ah iyo hanti rayid lagu beegsaday. Maamulka ayaa dalbaday in cidda ka dambeysay weerarrada ay si cad uga jawaabto ujeeddada iyo sababta loo fuliyay.

Turkiga oo sheegay inuusan haynin xog ku saabsan duqeymaha ka dhacay xeebaha Puntland

Dhanka kale, Turkiga ayaa horey u sheegay inuusan haynin xog ku saabsan duqeymaha ka dhacay xeebaha Puntland. Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegay in Ankara aysan wax war ah ka haynin weerarrada ay Puntland ka hadashay.

Eedeynta cusub ee Puntland ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay inay la socoto hawlgallada milatari ee ka socda xeebaha Puntland. Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga, Cumar Cali Cabdi, ayaa sheegay in dowladda federaalku diyaarinayso warbixin dhammaystiran oo ku saabsan dhacdooyinka.

Si kastaba, weli ma jirto caddeyn madax-bannaan oo xaqiijineysa cidda fulisay duqeymaha, halka dowladda Turkiguna aysan si rasmi ah u qiran mas’uuliyadda weerarrada. Puntland ayaa hadda sheegtay inay arrinta u gudbisay beesha caalamka, iyadoo dalbanaysa in dhacdooyinka xeebaha si rasmi ah loo baaro.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

4 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

4 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

5 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

5 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.