Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Wasaaradda Cimilada Jubaland oo ka digtay fatahaado iyo roobab culus oo la filayo

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jubaland ayaa digniin ka soo saartay roobab culus iyo fatahaado laga cabsi qabo inay saameeyaan deegaanada maamulka laga bilaabo bisha Oktoobar 2026.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 27, 2026, 12:26 pm EAT
Reading Time: 4 mins read
Wasaaradda Cimilada Jubaland oo ka digtay fatahaado iyo roobab culus oo la filayo
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jubaland ayaa digniin ka soo saartay roobab culus iyo fatahaado laga cabsi qabo inay saameeyaan deegaanada maamulka laga bilaabo bisha Oktoobar 2026.

Wasiirka Wasaaradda, Caydiid Suleymaan Xaashi, ayaa sheegay in saadaasha cimiladu muujinayso khatar sii kordheysa oo la xiriirta roobabka Deyrta, gaar ahaan kuwa la filayo horraanta bisha Oktoobar.

Wasiirku wuxuu sheegay in ilaa 12 degmo oo Jubaland ah ay u nuglaan karaan fatahaadaha iyo roobabka xooggan. Wuxuu dadka ku nool hareeraha webiyada, meelaha biyo-mareennada iyo dhulka hoose ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha halista ah, ayna u guuraan meelaha ammaan ah haddii xaaladdu kasii darto.

Saadaasha cimilada ayaa sidoo kale muujinaysa in Soomaaliya ay wajihi karto roobab ka sarreeya celceliska xilliga Oktoobar ilaa Diseembar, iyadoo khatarta fatahaaduhu si gaar ah uga jirto hareeraha webiyada Jubba iyo Shabeelle.

Caydiid Suleymaan ayaa sheegay in qiyaastii 1.8 milyan oo qof ay saameyn ka qaadi karaan roobabka iyo fatahaadaha la saadaalinayo, halka in ka badan 351,000 qof ay suuragal tahay inay ka barakacaan deegaanadooda haddii fatahaado waaweyn dhacaan.

Waxa uu intaas ku daray in ku dhowaad 45 xarumood oo caafimaad iyo 10 iskuul ay wajihi karaan khatar, haddii fatahaadaha la saadaaliyay ay dhacaan. Digniintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay weli xusuusan tahay fatahaadihii waaweynaa ee 2023 oo sababay barakac iyo khasaare ballaaran.

Wasiirka ayaa shacabka Jubaland, gudaha dalka iyo qurba-joogta ugu baaqay inay si hore ah ugu diyaar garoobaan xaaladda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay isku-tashi iyo qorshe degdeg ah oo looga jawaabo musiibooyinka dabiiciga ah.

Sidoo kale, wuxuu dowladda federaalka ku dhaliilay taageeradii ay Jubaland ka heli weyday xilligii abaarta, isagoo beesha caalamka ugu baaqay in gargaarka loogu talagalay Jubaland si toos ah loo gaarsiiyo maamulka.

Wasaaradda ayaa hay’adaha dowladda ugu baaqday inay diyaariyaan qorshayaal gaar ah oo looga hortagayo saameynta fatahaadaha, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, beeraha, xoolaha iyo ilaalinta bulshada.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

6 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

6 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

9 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

9 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

9 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

9 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

10 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

10 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.