Wararka24: Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa burisay natiijadii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Galmudug, kuwaas oo la qabtay 30-kii Luulyo 2026. Maxkamaddu waxay sheegtay in habkii loo maamulay doorashooyinka uusan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka.
Go’aanka oo uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashi Yuusuf Axmed, ayaa lagu sheegay in doorashadu ka leexatay mabaadi’da doorasho xor, xalaal iyo caddaalad ah. Maxkamaddu waxay tilmaantay in khaladaadkii dhacay intii ay doorashadu socotay ay si weyn u saameeyeen hufnaanta iyo xalaalnimada natiijooyinka kasoo baxay.
Maxkamaddu waxay sidaas darteed amartay in la qabto doorashooyin cusub oo lagu soo dooranayo Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Galmudug. Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa loo xilsaaray inuu diyaariyo doorashooyinka cusub, kuwaas oo lagu qabanayo waqtiga ugu dhow ee macquulka ah.
Go’aanka Maxkamadda Sare ayaa sidoo kale faray in doorashooyinka cusub si buuxda loogu hoggaansamo Dastuurka Federaalka Soomaaliya, Sharciga Doorashooyinka, Sharciga Dhismaha Guddiga iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda. Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay muhiim u tahay in doorashada cusub ay yeelato sharciyad iyo kalsooni.
Si looga fogaado firaaq maamul oo saameyn ku yeelan kara adeegyada bulshada iyo xasilloonida Galmudug, Maxkamaddu waxay go’aamisay in hay’adaha hadda jira ay sii wataan shaqadooda. Hay’adahaasi waxay xilalka sii haynayaan ilaa laga soo doorto hay’ado cusub oo ku yimaada doorasho waafaqsan sharciga.
Maxkamaddu waxay sheegtay in go’aankaas lagu saleeyay danta guud, joogtaynta maamulka iyo baahida looga hortagayo xaalad maamul la’aan ah. Dhanka kharashaadka dacwadda, waxay go’aamisay in dhinac kasta uu iska bixiyo kharashaadka uu ku galay dacwadda.
Go’aanka ayaa yimid kadib markii Xisbiga Towfiiq iyo qaar ka mid ah axsaabtii ka qayb gashay doorashada ay horay uga digeen natiijooyinka kasoo baxay. Dhinacyadaasi waxay ku doodeen in natiijooyinku aysan waafaqsanayn shuruucda doorashada, taas oo ugu dambeyn keentay in arrinta loo gudbiyo Maxkamadda Sare.







