Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay la socoto duqeymaha kasocda Puntland

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay xog ka hayso duqeymo laga geystay xeebaha Puntland, iyadoo ballanqaadday inay soo saari doonto warbixin faahfaahsan oo ku saabsan dhacdooyinkaasi. Hadalka dowladda ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay si adag uga hadashay…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 22, 2026, 4:45 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay la socoto duqeymaha kasocda Puntland
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay xog ka hayso duqeymo laga geystay xeebaha Puntland, iyadoo ballanqaadday inay soo saari doonto warbixin faahfaahsan oo ku saabsan dhacdooyinkaasi. Hadalka dowladda ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay si adag uga hadashay duqeymo ka dhacay deegaanka Garmaal ee gobolka Nugaal.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay la socoto xaaladda ka taagan xeebaha Puntland. Wuxuu tilmaamay in haddii ay socdaan howlgallo milatari oo lagula dagaallamayo kooxaha burcad-badeedda, dowladda federaalka ay tahay hay’adda sharci ahaan u leh go’aaminta arrimaha noocaas ah.

Cumar Cali Cabdi oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dowladda ay diyaarinayso xog dheeraad ah oo ku saabsan dhacdooyinka dhacay. Wuxuu xusay in tallaabooyin laga qaadi doono xaaladda soo korortay, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin nooca tallaabooyinka la qorsheynayo.

“Warbixin dhammaystiran ayaa la soo diri doonaa, haddii Alle idmo,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga.

Hadalkan ayaa yimid iyadoo Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland ay dhawaan sheegtay inay walaac ka qabto duqeymo 18-kii iyo 20-kii Agoosto ka dhacay deegaanka Garmaal. Puntland waxay ku dooday in weerarradaasi lagu beegsaday dad kalluumaysato ah iyo hantidooda.

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale dalbaday in dowladaha ama dhinacyada ku lugta lahaa howlgallada ay bixiyaan sharaxaad ku saabsan ujeeddada duqeymaha. Hase yeeshee, Puntland ma aysan magacaabin dowlad gaar ah oo ay sheegtay inay si rasmi ah uga dambeysay weerarrada.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo beegmaya xilli xeebaha Soomaaliya ay dib uga soo cusboonaadeen falal la xiriira burcad-badeednimada iyo afduubka maraakiibta. Markabka M/V LUTUF ayaa 17-kii Agoosto koox hubeysan ay la wareegtay meel u dhow xeebaha degmada Eyl, sida ay sheegeen hay’adaha la socda amniga maraakiibta.

Duqeymo ka dhacay agagaarka Garmaal ayaa sidoo kale lagu soo warramay in lagu dilay afar qof laguna dhaawacay laba kale. Si kastaba, weli si madax-bannaan looma xaqiijin cidda fulisay duqeymaha iyo in dadka la dilay ay si toos ah ugu lug lahaayeen afduubka markabka.

Dowladda Federaalka ayaa hadda sheegtay inay diyaarinayso warbixin dhammaystiran, taas oo la filayo inay iftiimiso xaaladda iyo cidda masuulka ka ah howl-gallada ka socda xeebaha Puntland. Dowladda ayaa sidoo kale wajahaysa cadaadis kaga imaanaya Puntland oo dalbanaysa in la caddeeyo dhacdooyinka iyo saameynta ay ku yeesheen dadka deegaanka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

5 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

6 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

6 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

6 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

6 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

7 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.