• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay la socoto duqeymaha kasocda Puntland

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 weeks ago
Reading Time: 3 mins read
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay la socoto duqeymaha kasocda Puntland
Share

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay xog ka hayso duqeymo laga geystay xeebaha Puntland, iyadoo ballanqaadday inay soo saari doonto warbixin faahfaahsan oo ku saabsan dhacdooyinkaasi. Hadalka dowladda ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay si adag uga hadashay duqeymo ka dhacay deegaanka Garmaal ee gobolka Nugaal.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay la socoto xaaladda ka taagan xeebaha Puntland. Wuxuu tilmaamay in haddii ay socdaan howlgallo milatari oo lagula dagaallamayo kooxaha burcad-badeedda, dowladda federaalka ay tahay hay’adda sharci ahaan u leh go’aaminta arrimaha noocaas ah.

Cumar Cali Cabdi oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dowladda ay diyaarinayso xog dheeraad ah oo ku saabsan dhacdooyinka dhacay. Wuxuu xusay in tallaabooyin laga qaadi doono xaaladda soo korortay, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin nooca tallaabooyinka la qorsheynayo.

“Warbixin dhammaystiran ayaa la soo diri doonaa, haddii Alle idmo,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga.

Hadalkan ayaa yimid iyadoo Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland ay dhawaan sheegtay inay walaac ka qabto duqeymo 18-kii iyo 20-kii Agoosto ka dhacay deegaanka Garmaal. Puntland waxay ku dooday in weerarradaasi lagu beegsaday dad kalluumaysato ah iyo hantidooda.

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale dalbaday in dowladaha ama dhinacyada ku lugta lahaa howlgallada ay bixiyaan sharaxaad ku saabsan ujeeddada duqeymaha. Hase yeeshee, Puntland ma aysan magacaabin dowlad gaar ah oo ay sheegtay inay si rasmi ah uga dambeysay weerarrada.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo beegmaya xilli xeebaha Soomaaliya ay dib uga soo cusboonaadeen falal la xiriira burcad-badeednimada iyo afduubka maraakiibta. Markabka M/V LUTUF ayaa 17-kii Agoosto koox hubeysan ay la wareegtay meel u dhow xeebaha degmada Eyl, sida ay sheegeen hay’adaha la socda amniga maraakiibta.

Duqeymo ka dhacay agagaarka Garmaal ayaa sidoo kale lagu soo warramay in lagu dilay afar qof laguna dhaawacay laba kale. Si kastaba, weli si madax-bannaan looma xaqiijin cidda fulisay duqeymaha iyo in dadka la dilay ay si toos ah ugu lug lahaayeen afduubka markabka.

Dowladda Federaalka ayaa hadda sheegtay inay diyaarinayso warbixin dhammaystiran, taas oo la filayo inay iftiimiso xaaladda iyo cidda masuulka ka ah howl-gallada ka socda xeebaha Puntland. Dowladda ayaa sidoo kale wajahaysa cadaadis kaga imaanaya Puntland oo dalbanaysa in la caddeeyo dhacdooyinka iyo saameynta ay ku yeesheen dadka deegaanka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.