• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Daawo: Xamse oo sheegay in dugsiyada Qur’aanka lagu darayo nidaamka rasmiga ah ee waxbarashada dalka

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Daawo: Xamse oo sheegay in dugsiyada Qur’aanka lagu darayo nidaamka rasmiga ah ee waxbarashada dalka
Share

Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in xukuumaddu bilowday dib-u-habeyn lagu nidaaminayo waxbarashada Islaamiga ah, isagoo xusay in markii ugu horreysay dugsiyada Qur’aanka lagu darayo nidaamka rasmiga ah ee waxbarashada dalka.

Ra’iisul Wasaaruhu ayaa sheegay in dugsiyada Qur’aanka loo aqoonsan doono qeyb rasmi ah oo ka tirsan nidaamka waxbarashada dowladda, isla markaana loo sameyn doono manhaj mideysan, shahaadooyin iyo kormeer ay maamuli doonto Wasaaradda Waxbarashada.

Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in mustaqbalka aan loo oggolaan doonin qof aan haysan tababar iyo shahaado la aqoonsan yahay inuu macallin ka noqdo dugsi Qur’aan. Wuxuu xusay in macallimiinta la siin doono tababaro, isla markaana dugsiyada Qur’aanka lagu dari doono qorshaha horumarinta waxbarashada ee dowladda.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale sheegay in xukuumaddu waddo qorshe lagu dhisayo Golaha Sare ee Culumada Soomaaliyeed, kaas oo uu sheegay inuu soo saari doono fatwooyin mideysan oo rasmi ah, si loo mideeyo aragtida diimeed ee laga gudbinayo masaajidda iyo goobaha kale ee diinta.

Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin siyaasadda dowladda ee lagu nidaaminayo waxbarashada Islaamiga ah iyo xoojinta doorka ay diintu ku leedahay bulshada Soomaaliyeed. Ma uusan sheegin waqtiga rasmiga ah ee isbeddelladan si buuxda loo hirgelin doono.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.