Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xog cusub oo laga helay xarunta laga dhisaayo dayax gacmeedka somaliya

Muuqaallo ciidamada Turkiga baahiyeen ayaa daaha ka qaaday goobta xarunta dayax gacmeedka ee Turkiga uu ka dhisayo xeebta Soomaaliya.

Wararka24 News Desk by Wararka24 News Desk
November 25, 2026, 3:59 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Xog cusub oo laga helay xarunta laga dhisaayo dayax gacmeedka somaliya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Muuqallo ay baahisay ciidamada Turkiga ayaa daaha ka qaaday goob ku taal xeebta Somaliya, oo la xiriirta mashruuca xarunta dayax gacmeedka ee Turkiga uu ka dhisayo dalka.

Goobtan ayaa ku taal qiyaastii 78 kilomitir waqooyi bari ka xigta bartamaha magaalada Muqdisho.

Muuqaallada ayaa la duubay xilli Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga, Jeneraal Selcuk Bayraktaroglu, uu booqasho ku joogay Soomaaliya, isagoo kormeray dhowr xarumood.

Muuqaallada ayaa muujinaya in goobta ay ku yallaan ugu yaraan hal meel oo ay ka degi karaan diyaaradaha si toos ah kor ugu kaca, sida helikoobtarrada.

Dhinaca waqoyi ee goobta waxaa ku yaal xero ciidan, halka la sheegay in la dhigay shabaggo looga hortagayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

Sidoo kale waxaa goobta yaalla raadaar nooca STR-400G ah oo ay sameysay shirkadda Turkiga ee Aselsan, kaas oo loo isticmaalo ogaanshaha madaafiicda iyo hoobiyeyaasha.

Goobta waxaa ku dhisan siddeed melood oo la xoojiyay oo logu talagalay taangiyada iyo gaadiidka gashaaman.

Ciidamo Turki ah ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin xerada ciidamada, iyadoo goobta lagu arkay taangi nooca M48 Patton ah.

Turkiga ayaa sannadkii hore bilaabay dhismaha xarun loogu talagalay in laga gantaalo dayax gacmeedyada, oo ku taal xeebta Soomaaliya.

Selcuk Bayraktar, oo ah agaasimaha teknoolojiyadda ee shirkadda Baykar, ayaa bishii Diseembar 2025 sheegay in dhismaha la bilaabay, isla markaana goobta ay ku fidsan tahay qiyaastii 30 kilomitir.

Xarunta ayaa loogu talagalay inay isticmaalaan shirkadaha difaaca iyo hawada sare ee Turkiga, oo ay ku jirto Roketsan oo sameysa gantallada.

Somaliya ayaa u dhow dhulbaraha, taas oo ka dhigaysa goob ku haboon gantaaladda dayax gacmeedyada, maadaama ay yareyso shidaalka loo baahan yahay.

Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ma aysan shaacin faahfaahin buuxda oo ku saabsan kharashka iyo waqtiga mashruuca la dhammaystirayo.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Xog cusub oo laga helay xarunta laga dhisaayo dayax gacmeedka somaliya

Xog cusub oo laga helay xarunta laga dhisaayo dayax gacmeedka somaliya

16 minutes ago
Laba qof walaalo ah oo ku geeriyoday berked biyo oo ku taal duleedka Hargeysa

Laba qof walaalo ah oo ku geeriyoday berked biyo oo ku taal duleedka Hargeysa

27 minutes ago
Amniga Madaxweyne Xasan Sheekh oo la adkeeyay kadib  Maxaa isbeddelay?

Amniga Madaxweyne Xasan Sheekh oo la adkeeyay kadib Maxaa isbeddelay?

37 minutes ago
Garoonka diyaradaha Beledweyne oo la xiray kadib iska horimaad

Garoonka diyaradaha Beledweyne oo la xiray kadib iska horimaad

3 hours ago
Fiqi oo laba xil midkood loo badinayo inuu qabto

Fiqi oo laba xil midkood loo badinayo inuu qabto

3 hours ago
Ilhaan Cumar dukumiinti maxkamadeed oo muujiyay in la baarayo tan iyo 1980

Ilhaan Cumar dukumiinti maxkamadeed oo muujiyay in la baarayo tan iyo 1980

3 hours ago
Ciidamada Mareykanka oo dib ugu laabtay Baledogle xilli la filayo

Ciidamada Mareykanka oo dib ugu laabtay Baledogle xilli la filayo

3 hours ago
Somaliya oo ka qeyb gashay shir culimo oo 50 dal isugu yimaadeen magaalada Istanbul

Somaliya oo ka qeyb gashay shir culimo oo 50 dal isugu yimaadeen magaalada Istanbul

23 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.