Laba qof oo walaalo ah, wiil iyo gabar, ayaa ku geeriyooday berked biyo oo ku taal deegaanka Xadhig-xadhig ee koonfurta magaalada Hargeysa.
Gabadha ayaa la sheegay inay qabtay xanuun maskaxeed, waxayna ku dhacday berkedda biyaha.
Walaalkeed ayaa isku dayay inuu soo badbaadiyo, balse isna wuxuu ku dhex dhintay biyaha.
Ciidamada Dab Damiska iyo Samatabbixinta ayaa habeennimo ka soo saaray meydadka labada walaalo ah.
Ciidamada ayaa war ay soo saareen tacsi ugu diray qoyska iyo qaraabada ay geeridu ku timid.
Ciidamada ayaa bulshada uga digay khatarta ka dhalan karta in dadka qaba xanunnada maskaxda ay keligood joogaan iyagon helin daryeel iyo kormeer ku filan.
Waxay ku baaqeen in carruurta iyo dadka qaba xanuunnada maskaxda aan la xirin ama aan meel lagu xareyn.
Taa beddelkeeda, waxay ku booriyeen in si degdeg ah loogu geeyo xarumaha caafimaadka iyo daryeelka ku habboon, si aysan ugu dhaawacmin goobaha khatarta ah.









