Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Amniga Madaxweyne Xasan Sheekh oo la adkeeyay kadib Maxaa isbeddelay?

Ilaalada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la xoojiyay, iyadoo socodkiisa Muqdisho ay hadda la socdaan gaadiid gaashaaman iyo hub culus.

Wararka24 News Desk by Wararka24 News Desk
November 25, 2026, 3:37 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Amniga Madaxweyne Xasan Sheekh oo la adkeeyay kadib  Maxaa isbeddelay?
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Ilaalada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la xoojiyay, iyado la kordhiyay tirada ciidamada gaarka ah ee ilaaliya.

Sawirro iyo muuqaallo la soo bandhigay ayaa muujinaya in socodka madaxweynaha ee gudaha Muqdisho ay hadda la socdaan gaadiid gaashaaman iyo gaadiid ay saaran yihiin hub culus, oo loo yaqaan Cabdi-bilaha.

Sidoo kale ciidamada ilaalada ayaa la arkayay iyagoo xakameynaya isu socodka gaadiidka iyo dadka ee waddooyinka uu maro kolonyada madaxweynaha.

Isbeddelkan ayaa yimid xilli ay jiraan digniino la xiriira xaaladda amni ee magaalada Muqdisho iyo dalka guud ahaan, iyo xiisad siyaasadeed oo sii kordheysa.

Taliye hore oo ka tirsan booliska Somaaliya ayaa horraantii bishan sheegay in dalku uu wajahayo xaalad amni oo u baahan feejignaan.

Hase yeeshee faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan digniinahaas lama shaacin, mana jirto war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada oo ku saabsan isbeddelka ilaalada.

Tallaabadan ayaa su’aalo dhalisay, maadaama Xasan Sheekh uu horey u sheegay in aan la oggolayn in gaadiid hub culus ay saaran yihiin lagu dhex wado magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xilligaas sheegay in amniga caasimadda uu wanaagsan yahay, sidaas darteedna aan loo baahnayn tallaabooyin cabsi gelin kara dadka magaalada.

Aragtiyo kala duwan ayaa ka jira heerka ay gaarsiisan tahay xaaladda amni ee caasimadda.

Isbeddelka ilaalada ayaa imanaya xilli dalka uu ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, kaas oo ku saabsan muddo xileedka iyo qaabka doorashooyinka soo socda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Xog cusub oo laga helay xarunta laga dhisaayo dayax gacmeedka somaliya

Xog cusub oo laga helay xarunta laga dhisaayo dayax gacmeedka somaliya

25 minutes ago
Laba qof walaalo ah oo ku geeriyoday berked biyo oo ku taal duleedka Hargeysa

Laba qof walaalo ah oo ku geeriyoday berked biyo oo ku taal duleedka Hargeysa

37 minutes ago
Amniga Madaxweyne Xasan Sheekh oo la adkeeyay kadib  Maxaa isbeddelay?

Amniga Madaxweyne Xasan Sheekh oo la adkeeyay kadib Maxaa isbeddelay?

47 minutes ago
Garoonka diyaradaha Beledweyne oo la xiray kadib iska horimaad

Garoonka diyaradaha Beledweyne oo la xiray kadib iska horimaad

3 hours ago
Fiqi oo laba xil midkood loo badinayo inuu qabto

Fiqi oo laba xil midkood loo badinayo inuu qabto

3 hours ago
Ilhaan Cumar dukumiinti maxkamadeed oo muujiyay in la baarayo tan iyo 1980

Ilhaan Cumar dukumiinti maxkamadeed oo muujiyay in la baarayo tan iyo 1980

3 hours ago
Ciidamada Mareykanka oo dib ugu laabtay Baledogle xilli la filayo

Ciidamada Mareykanka oo dib ugu laabtay Baledogle xilli la filayo

4 hours ago
Somaliya oo ka qeyb gashay shir culimo oo 50 dal isugu yimaadeen magaalada Istanbul

Somaliya oo ka qeyb gashay shir culimo oo 50 dal isugu yimaadeen magaalada Istanbul

23 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.