Dowladda Federalka Somaliya iyo maamulka HirShabelle ayaa ku dhawaaqay xiritaanka garonka diyaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.
Hay’adda Duulista Rayidka Somaliya ayaa Talaadadii, 24-ka Noofembar, soo saartay ogeysiis lagu hakiyay dhamman howlaha duullimadyada garonka.
Ogeysiiska, oo loo diray dhamman diyaradaha ka howlgala hawada dalka, ayaa sheegaya in garonku xirnaan doono ilaa 1-da Diseembar 2026.
Hase yeeshee Wasaradda Gaadiidka iyo Dulista Hawada ee HirShabelle ayaa sheegtay in go’aankan la gaaray maadaama “xaaladda amni ee garonka aan la isku haleyn karin.”
Wasaaraddu waxay sheegtay in ciidamo deeganka ah ay weli jogaan duledka garoonka, isla markana xiritaanka loo sameeyay si loo xaqiijiyo badbaadada rakaabka iyo shaqalaha garoonka.
Go’aankan ayaa yimid kadib iska horimaad garoonka ka dhex maray ciidamo deegaanka ah oo loo yaqaan Dulmi-diid iyo ciidamada Jabuuti ee ka tirsan howlgalka AUSSOM.
Dagaalku wuxuu qarxay kadib warar sheegayay in diyarad sideysa ciidamo dowladeed ay ka soo duushay Muqdisho, una socotay Beledweyne.
Ciidamada deegaanka ayaa la sheegay inay ka hortageen in diyaaradaasi ay ka degto garoonka.
Sidoo kale ma jirto war ka soo baxay ciidamada Dulmi-diid ama dowladda federaalka oo ku saabsan dagaalka.
Ciidamada Jabuuti ayaa sannadkan la wareegay mas’uuliyadda amniga Beledweyne iyo deegaannada ku hareeraysan, iyagoo ka tirsan howlgalka AUSSOM.
Garoonka Ugaas Khaliif ayaa ah mid muhiim u ah magaalada Beledweyne iyo gobolka Hiiraan, maadaama uu yahay waddada ugu muhiimsan ee isu socodka dadka, gargaarka iyo sahayda ciidamada.









