Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Ciidama Mareykan ah oo lagu dilay Ciraaq iyadoo colaadda Iran ay sii xoogeysaneyso

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in askari kale oo Mareykan ah lagu dilay waqooyiga Ciraaq, maalin kadib markii weerar lagu qaaday saldhig ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin Jordan uu sababay dhimashada laba askari iyo in mid kale la la'yahay.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 20, 2026, 11:06 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Ciidama Mareykan ah oo lagu dilay Ciraaq iyadoo colaadda Iran ay sii xoogeysaneyso
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in askari kale oo Mareykan ah lagu dilay waqooyiga Ciraaq, maalin kadib markii weerar lagu qaaday saldhig ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin Jordan uu sababay dhimashada laba askari iyo in mid kale la la’yahay.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in askariga uu dhintay xilli ciidamada ay si qorsheysan u burburinayeen walxaha qarxa ee saarnaa diyaarad aan duuliye lahayn oo ay sheegeen inay Iran leedahay, taas oo hore loo soo riday. Qaraxa ayaa sidoo kale dhaawacay askari kale.

Sida CENTCOM sheegtay, tirada ciidamada Mareykanka ee ku dhintay colaaddan ayaa gaartay 17, kadib markii sidoo kale la xaqiijiyay geerida duuliye ka tirsanaa ciidamada badda Mareykanka oo horay loo waayay.

Wararka ayaa kusoo beegmaya iyadoo Mareykanka iyo Iran ay maalintii siddeedaad oo xiriir ah isweydaarsanayaan weerarro ka dhacay Ciraaq, Jordan, dalalka Khaliijka iyo agagaarka Marinka Hormuz.

CENTCOM ayaa sidoo kale sheegtay in goobtii lagu weeraray saldhigga Jordan laga helay haraaga qof aan weli la aqoonsan, iyadoo baaritaanno lagu xaqiijinayo aqoonsigiisa ay socdaan.

Dowladda Mareykanka ayaa weerarrada ku eedeysay Iran, waxayna sheegtay in duqeymaha ay xigtay ay qeyb ka yihiin jawaab militari oo looga falcelinayo weerarrada lagu qaaday ciidamadeeda. Dhanka kale, Iran ayaa ku eedeysay Mareykanka inuu beegsanayo kaabayaal muhiim ah iyo goobo rayid ah.

Xiisaddan ayaa sii kordhisay walaaca laga qabo in colaaddu isu beddesho dagaal ballaaran oo saameeya dalal badan oo Bariga Dhexe ah. Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn si looga hortago sii ballaarashada dagaalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

22 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

23 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

23 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

24 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.